Madaxweynaha DFS Xasan Shiikh & John Kerry oo shir jaraa’d wada qabtay[Daawo]

September 20, 2013 - Written by Editor

USAMadaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud oo socdaal ku jooga Washington DC ayaa waxaa uu kulan gaar ah la yeeshay Xoghayaha Arimaha dibada ee dalka Maraykanka John Kerry, kulan ka dib ayaa Madaxweynaha DFS Xassan Shiikh. Maxamuud iyo Xoghayaha Arimaha dibada dalka Maraykanka John Kerry ay la hadleen saxaafada iyadoo hadalka uu bilaabay John Kerry isagoo sheegay in dowladda Maraykanku ay la shaqay nayso ayna taageerayaan Dowlada Soomaaliya. Xoghayaha Arimaha dibada dalka Maraykanka John Kerry ayaa waxaa kale oo uu bogaadi yey howsha ay qabteen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xulafadooda oo uu ula jeedo ciidanka Midowga Afrika AMISOM, IGAD, iyo maamulada Soomaaliyeed ee ka jira dalka Soomaaliya si buu yiri loola dagaalamo wax uu ugu yeeray Argagixisada  loogana gudbo dagaalkii sokeeye si loo hello dowlad dhan.

Xoghayaha Arimaha dibada dalka Maraykanka John Kerry  ayaa shirkiisa jaraa’id ku xusay  in ay jiraan weli howl dhiman oo DFS ay wada shaqeyn la furto Puntlland iyo S/lland si loo gaaro dib u hishiisiin dhab ah taas oo uu sheegay John Kerry in madax weynaha DFS Xassan Shiikh uu arrinkaas u heelan yahay. Xoghayaha Arrimaha dibada  Maraykanka John Kerry ayaa waxaa uu ku amaanaya madaxweynaha DFS sidda deg deg ah oo uu u taageeray howlaha ka dhan ah dalka Suuriya iyo baaqii ay dowllada Maraykanku ay u jeedisay caalamka.

Madaxweynah DFS Xassan Shiikh.Maxamuud ayaa sheegay in dowladiisu ay wax badan qabtay isagoo sheegay in hay’addaha Qaran ay wax badan qabteen ayna gacan ka siiyeen ciidanka AMISOM, sidoo kale waxaa uu xusay in DFS ay hishiis la gaareen Puntlland iyo maamulka KMG ee Jubba iyo ururka Ahlusunaha , Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud ayaa sheegay in dowladiisu ay dadaal ugu jirto dhamaystirka Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka Daawo shirka Jaraa’id ee Madaxweynaha DFS Xassan Shiikh iyo John Kerry

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online