Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh oo la kulmay Diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale

September 5, 2013 - Written by Editor

Specal Envoy of NorwayMuqdisho :- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Machadka Nabadda ee Mareykanka (US Institute for Peace), Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Africa ee dalka Norway iyo Safiirka UK. Madaxweynaha DFS ayaa kulankii uu la qaatay Guddoomiyaha Machadka Nabadda ee Mareykanka Jim Marshall ayaa waxey ka wadhaleen sida Machadka Nabadda ee Mareykanka uu Soomaaliya ugala shaqeyn karo arrimaha amniga iyo nabadeynta. Madaxweynaha ayaa guddoomiyaha uga mahadceliyey booqashadiisa dalka Soomaaliya iyo sida ay Soomaaliya ugu baahantahay amni iyo nabad.

Madaxweynaha DFS kulankii uu la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Africa ee dalka Norway Jens Mjuagedal ayaa waxey ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin horumarka dalka Soomaaliya, xiriirka Norway iyo Somalia, shirka Brussels iyo kaalmada ay dalka Norway u fidiso Soomaaliya.

no images were found

Madaxweynahu waxuu sidoo kale maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dalka Ingiriiska Neil Wiggan oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, dabagalka howlaha muhiimka ah ee UK ay ka wado Soomaaliya oo ay ku saacideyso shacabka Soomaaliyeed, Shirka Brussels iyo arrimo kale.

Kullamadan ay Diplomaasiyiinta caalamku ku imanayaan Muqdisho ayaa waxey tusaale ka tahay horumarka uu dalku ku tallaabsaday iyo sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u adkeysay isla markaana u horumarisay xiriirka caalamka.

–          DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), 


Senior Advisor & Spokesperson to the Office of the

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online