Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh oo u dhoofay dalka Talyaaniga
September 17, 2013 - Written by EditorWafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sh. Maxamuud kana qayb galay shirkii New Deal ee shalay k a dhacay magaalada Brussels ayaa saaka u dhoofay dalka Talyaaniga. Wafdiga Madaxweynaha DFS ayaa waxaa la sheegayaa in uu casumaada ka hellay dowllada Talyaaniga ayna mudo labo maalmood ah joogi doonaan dalka Talyaaniga.Inta uu jooga dalka Talyaaniga ayaa madaxweynaha DFS waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madax ka tirsan dowladda Talyaaniga.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xassan Sh.Maxamuud ayaa la filayaa in isaga iyo wafdiigiisa ay socdaal ku gaari doonaa dalka Maraykanka gaar ahaan Washington DC isagoo kulamo gaar gaar ah uu la yeelan doon masuuliyiin ka tirsan Maraykanka. Inta uu joogo madax wey naha DFS Xassan Shiikh dalka Maraykanka ayaa waxaa la filayaa in uu kulamo la yeesho jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka waxaan uu uga warbixin doontaa ilaa hadda wax u qabsoomay dowladiisa iyo caqabada hortaagan.
A/cawaale
Halgan.net