Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo la hadlay shacabka Kenya.[Daawo]

September 24, 2013 - Written by Editor

Uhuru-kenyattaNairobi:-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa khudbad dhinacyo kala duwan taabanesa jeediyey goordhow waxaana uu uga hadlay halka uu marayo howlgalada ciidamada dalka Kenya iyo kuwa huwanta ay ka wadaan dhismaha Westgate Mall. Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u mahad celiyey shacabka dalka Kenya sida ay u garab istaageen shacabka ku dhaawacmay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaaciyeen Westgate Mall waxaa kale oo uu mahad balaaran u celiyey saaxiibada Kenya ee garab istaagay

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa ku dhawaaqay in dalka Kenya uu baroordiiqi doono 3 maalmood laga bilaabo maalinta birito.wuxuuna sheegay in la soo afjaray howlgaladii ka socda Westgate Mall. Madaxweynaha ayaa sheegey in shan ka mid ah dadkii weerarka ku qaaday xarunta Westgate la dilay 11 qof oo lala xiriirinayo weerarkana ay haatan ku jiraan gacanta dowlada Kenya

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in 61 qof oo rayid ah ay ku dhinteen weerarka Al-Shabaab ku qaadeen Westgate Mall halka ay ciidanka dowlada Kenya ay ka dhinteen 6 askari. Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegey in meydad badan ay ku hoos jiraan qeybo ka mid ah dhismaha xarunta Westgate Mall wuxuuna sheegay in wili lagu gudo jiro in la soo saaro meydadka

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Al-Shabaab oo hadlay khudbada uu jeediyey Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ,waxaa la wada dhowrayaa in amiirka Al-Shabaab uu ka hadlo weerarka lagu qaaday Westgate Mall.

Hoos ka Daawo khudbada Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online