Madaxweynaha Maamulka Jubba maanta u ambabaxay magaalada Brussels

September 14, 2013 - Written by Editor

1Belgium.:-Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta u ambabaxay magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaas oo uu maalinta Isniinta ah uu ka furmi doono shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya. Madaxweynaha Maamulka Juba Axmed Madoobe ayaa inta uusan ka dhoofin garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxaa uu warbaahinta kula hadlay garoonka wuxuuna sheegay in aad ugu faraxsan yahay in uu ka qeyb galo shirka ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya masuuliin ka tirsan Maamulka Juba waxayna ku sii hakan doonaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.Shirka ka dhacay maalinta Isniinta ayaa waxaa soo diyaariyey Midowga Yurub waxaana ka qeyb gali doona dowlado tiro badan oo daneynaya arimaha Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa kale oo lagu casumay kana soo qeyb gali doona Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud,Madaxweynaha Galmudug Jen Cabdi Qeybdiid, Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole. Dowladaha ku bohoobay Midowga Yurub ayaa sheegay in shirka ka furmaya 16 bishan lagu taageeri doono DFS si ay u hesho kaabayaal dhaqaale oo ay ku wado DFS.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online