Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Faroole oo gaaray magaalada Dubia

September 30, 2013 - Written by Editor

faroole_DubiaDubia:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/raxmaan Sh. Maxamed (Faroole) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Dubia ee xarunta dalka Isutaga Imaaaraadka Carabta waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuuliin ka tirsan dalkaas iyo qaar ka mid ah jaaliyada Puntland ee ku dhaqan Dubia.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa socdaal ku soo maray wadamada Kenya ,Jabuuti,Itoobiya iyo Yemen halkaas oo kulamo kala duwan la qaatay madaxda dalalkaas waxaana u danbeeyey kulankii uu la qaatay Madaxweynaha dalka Yemen Abdirabi Mansur Haadi iyo Raisulwasaaraha dalkaas.

Madaxweynaha dowlada Puntland C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in socdaalkiisa uu ku dhamaaday guul waxaana uu magaalada Dubia ku sugnaan doonaan mudo 4maalmood ah isaga oo kulamo la qaadan doono shirkacdo daneynaya maalgisha Puntland .

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya wasiiro ka tirsan xukuumadiisa iyo saraakiil ka socota madaxtooyada Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online