Madaxweyne DFS oo gaaray magaaladda Marka[War-saxaafadeed]

September 3, 2013 - Written by Editor

xassanMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh.Maxamuud oo ay wehliyaan, Wasiiradda, Cadaaladda , Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Taliyayaasha Ciidanka Xooga iyo Nabad Sugidda ayaa maanta gaaray magaaladda Marka ee Xarunta Gobolka Sh / Hoose.

Madaxweynaha oo saaka safar dhulka kaga baxay magaaladda Muqdisho ayaa  ku hakadey  degaanka No 50 halkaasi uu kula hadlay  boqlaal qof oo ka tirsan dadka degaanka islamar-kaana ka dhageystay tallooyinka ay u soo jeediyeen duqeyda degaanka ka dibna halkaasi safarkii dhulka ahaa ka sii watay.

Waxaa magaaladda Marka ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh , Maamulka  Gobolka Sh/Hoose iyo kan Degmadda Marka , Saraakiisha ciidamadda  iyo  Shacabka magaaladda .Ujeedda Safarka Madaxwey nahu ee magaaladda Marka  iyo degaanadda kale ayaa ah  baahinta nidaamka  Dowladnimo ee goboladda dalka , dib u heshisiinta, la tasshiyada bulshadda Shirweynahayaasha Qaran ee ka socda Muqdisho, Shirka 16 September Burgles  iyo aragtida fog ee Dowladda ee ah in doorashooyin  dhacaan 2016.

“Ma jirto haba-yaraatee wax carqalad ah ee uu la kulmay Madaxweynaha iyo wafdiga , waan la soconaa Kooxaha nabad diidka  wax-yaalaha ay baahiyeen laakin xaqiiqdu waxey tahay in si nabad ah Madaxweynahu uu ku gaaray Marka” Ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha Mudane Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow.
 DHAMAAD –
Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online