Mid ka mid ah Ergadii Sh Xasan Daahir ka keentay Cadaado oo lagu dilay Muqdisho

September 17, 2013 - Written by Editor

bistaMuqdisho:-Waxaa saaka lagu dilay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Taleex ee magaalada Muqdisho Faarax Shidane oo ka mid ahaa Odayaashii Dhaqanka ee Sh.Xasan Daahir Aweys ka keentay Degmada Cadaado waxaana dilay koox hubeysan oo aan ilaa haatan la aqoon heybtooda. Mid ka mid ah qaraabada Faarax Shidane oo la yiraahdo Suldaan Mahdi ayaa dilkiisa u xaqiijiyey warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho waxaana uu sheegay in uusan ilaa haatan aqoon cida dishay iyo sababta loo dilay kooxda dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsaday.

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa soo gaaray xaafada Taleex waxayna bilaabeen howlgalo ay baarayaan goobta uu dilka ka dhacay waxaana ay gacanta ku soo dhigeen dhowr qof oo looga shakisan yahay dilka Faarax Shidane ((Faarax Yare).Fa

Faarax Shidane ayaa wuxuu ka mid ahaa odayaashii dhaqanka beelaha H/gidir ee dhamaadkii bishan June ku guuleystayin in ay Sheekh Xasan Daahir Aweys yimaado magaalada Muqdisho. Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa uu u xiran yahay DFS waxaana ilaa shalay soo baxayey in DFS ay geynayso Maxkamad waloo arinkaas aysan ka hadal qaraabada Sheekh Xasan Daahir iyo masuuliinta DFS.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online