Nadwo cilmiyeedkii sanadla ah oo ka bilaaban doonta magaalada Garoowe

September 27, 2013 - Written by Editor

garooweGaroowe:-Waxaan ugu bishaareyneynaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ku nool dal iyo dibad in dhowaan la qabanayo kulan cilmiyeedkii sanadlaha ahaa ee xilligan oo kale ka dhici jiray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. Nadwada sanadkan oo ah tii lixaad ayaa si lamid ah kuwii hore lagu qabanayaa masjidka weyn ee Alhudaa ee magaalada Garowe.

Nadwada oo haddii Alle idmo furmi doonta habeenka axaddu soo galeyso, taariikhduna tahay 23/11/1434H oo ku beegan 28/09/2013 ayaa socon doonta inta u dhexeysa 23/11/1434H-29/11/1434H oo ku beegan 28/09/2013 – 03/10/2013.

Nadwada sanadkan oo cinwaankeedu yahay “Ha raacina jidadka qalloocan” ayey culimadu ku caddeyn doonaan caqiidada saxda ah iyagoo ka digaya caqaa’idka qalloocan ee lagu halaagsamo.

Ujeeddooyinka nadwada:

1-Gudashada culimada waajibka ka saaran faafinta iyo u caddeynta bulshada arrimaha diintooda.

2-Sixitaanka qaladaadka lagu sameeyay caqiidada saxda ah ee salafka iyo in bulshada looga digo bidcada iyo dadkeeda.

3-Gudasha waajibka bulshada Soomaaliyeed ka saaran barashada iyo sare u qaadidda aqoontooda diineed, gaar ahaan reer Garoowe oo nasiib u yeeshay in ay usoo martiyaan culimaa’uddiin aqoon durugsan u leh diinta, ulana diyaar ah in ay ugu deeqaan waqtigooda iyo cilmigooda.

Nadwadu waxay xilliga maalmaha ah ka socon doontaa goobaha waxbarashada sida jaamacadaha, macaahidda, iskuullada, hey’adaha xukuumadda iyadoo ay culimadu u qaban doonaan muxaadarooyin iyo siminaarro ganacsatada, odayo-dhaqameedyada iyo dhallinyarada. Waxaa iyagana siminaarro kuwaa la mid ah loo furayaa dumarka oo qaadan doona muxaadaraad iyo duruus kale oo wax ku ool ah.

Nadwo sanadeeddan dhowaan la filayo ayaa lagu lafa guri doonaa mawaadiicdaa aynu kor ku xusnay iyo casharro kale oo diini ah, waxaana ka soo jeedin doona qaar kamid ah culimada ugu waaweyn Soomaaliya.

Kulan cilmiyeedkan ayaa si toos ah looga baahin doonaa khadadka idaacadaha maxalliga ah sida, Alxikma, Radio Daljir, SBC, PSU, Radio Sahan iyo kuwo kale oo badan. Waxaa sidoo kale khadka telefoonka nadwada ku baahineysa shirkadda isgaarsiinta ee Golis taas oo suuragal ka dhigeysa in nadwada laga dhageysto dhammaan gobollada dalka Soomaaliya, iyadoo laga dhageysan doono ilaa Muqdisho iyo gobollada jubbooyinka, dibeddana gaarsiin doonta qolalka telefoonnada iyo Paltalkyada ee diinta lagu barto.

Waxaa sidaa si la mid ah nadwadan laga baahin doonaa qaar kamid ah telefishinnada Soomaalida ee ka howlgala dal iyo dibad.

Mu’asasada Al-Minhaaj
Garoowe

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online