Puntland oo lagu soo wareejin doono dhawaan16 dhalinyaro burcadbadeed ah

September 26, 2013 - Written by Editor

plGaroowe:-Waxaa maalmaha soo socda la filayaa in si rasmi ah loogu soo wareejiyey dowladda Puntlland dhalinyaro burcad badeed ah oo gaaraysa ilaa 16 dhalinyaro ah, dhalinyaradaaan Burcadbadeedka ah ayaa waxa ay ku xirnaayeen Xabsiyo ku yaal Jasiirada Seychelles. Agaasimaha la-dagaalanka burcad badeedka dowladda Puntland C/risaaq Maxamad Dirir Ducaysane oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Puntland horay loogu soo wareejiyey ilaa hadda 30 dhalinyaro ah ayna ku xiran yihiin Xabsiyadda Puntlland lana filayo in bilaha soo socda Puntland lagu soo wareejin doono 16 dhalinyaro ah oo 5 ka mid ah ay soo dhamaysteen Xabsiyadooda.

Agaasimaha la-dagaalanka burcad badeedka dowladda Puntland C/risaaq Maxamad Dirir Ducaysane ayaa xusay in deegaanada Puntland in hadda laga sifeeyey kooxaha burcad badeedka ah ka dib markii ay ciidanka badda Puntland ay dagaal ku qaadeen Saldhigyadii buracadbadeedka beesha caalamkana ay gacan ku siiyeen arrinkaas.

Dhalinyaro badan oo ka mid noqday kooxaha qowlaystada badda ee burcadbadeedka ah ayaa waxaa ay ku kala xiran yihiin Xabsi yadda kale duwan ee aduunka waxaan jira dowladdo daris la ah dalka Soomaaliya oo mashaariic la dagaalka burcadbadeedka kaga hellay caalamka dowlladahaasna waxaan ka xusi karnaa dowladda Kenya iyo Itoobiya.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online