Puntland oo soo dhoweysay Heshiiskii ay wada saxiixdeen DFS iyo Jubaland

September 1, 2013 - Written by Editor

plNairobi:-Dowladda Puntland waxay soo dhoweynaysaa Heshiiskii ay magaalada Addis Ababa ku wada saxiixeen Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Maamulka Jubaland, heshiis kaasoo qeexaya nidaamka maamulka iyo dowladnimada oo waafaqsan Dastuurkii Federaalka Soomaaliya oo lagu wada heshiiyay.Puntland waxay ammaan usoo jeedinaysaa labada Wafdi ee Soomaaliyeed oo ka qeybqaatay wada-hadalo miro dhal ah, iyagoo ku midaysan helitaanka Dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaamka Federaalka, midnimada iyo dimuqraadiyadda.

Maanta waxaa magaalada Nairobi kulan ku yeeshay wafdiga Dowladda Puntland uu hogaaminayey Madaxweyne Cabdiraxman Shiikh Maxamad Farole iyo wafdiga Jubaland oo uu hogaaminayey Madaxweyne Axmed Maxamad Islam (Axmed Madobe), iyadoo shirkaasi looga hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqaynta u dhaxeeya Puntland iyo Jubaland iyo sidii loo taageeri lahaa heshiiska cusub oo maamul la wada aqoonsanyahay u dhisaya gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, ee koonfurta Soomaaliya.

Puntland waxay aqoonsantahay ayna ammaanaysaa doorkii muhiimka ahaa ayciyaartay Dowladda Ethiopia oo ah Gudoonka Urur-goboleedka IGAD iyo BeeshaCaalamka, oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, oo fududeeyey wadahadaladii ka socday muddo todobaad ah magaalada Addis Ababa.

Puntland waxay diyaar u tahay inay ka caawiso maamulka Jubaland dhisida hey’daha dowliga ah waxayna Puntland mowqifkeedu yahay inay taageerto wadahadalo siyaasadeed, dib u heshiisiin Qaran iyo cadaalad, iyo dowlad-wanaag si loo hormariyo nabadeynta dalka Soomaaliya.

— DHAMMAAD —

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online