Qandaraaska dhismaha garoonka diyaaradaha Boosaaso oo la soo bandhigay.[Video]

September 30, 2013 - Written by Editor

12Boosaaso:-Waxaa maanta la soo bandhigay qandaraaska dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Bossaso ee xarunta gobolka Bari waxaana qandaraaska u tartamayey 20 shirkadood oo ay wakiiladooda ay joogeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.Waxaa xaflada ay ku tartamayeen shirkadaha qan daraaska ku loolamya goobjoog ka ahaa Wasiirka dekedaha Eng.Siciid Maxamed Raage, wasiir xigeenka duulista Cabdiqani Geele, Wasiiru dowlaha Wasaarada Dekedaha,Gaadiidka badda C/shakuur Mire Aadan Wasiir ku xigeenka amniga Cabdijamaal Cismaan Maxamed , Wasiir ku xigeenka Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Muuse Geele Yuusuf .xildhibaano, issimada gobolka bari culuma,udiin iyo wilaba  ganacsato .

Qandaraaska lagu dhisamo garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku deeqday Dowladda Talyaaniga iyada oo  marsiisey hay’adda UNOPS,Shirkadaha ku loolamayey dhisida garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ayaa gaaraya ilaa 20 shirkadood  oo caan ka ah wadamada caalamka .

Wasiir xigeenka Duulista iyo garoomada ee dowlada Puntland Cabdiqani Geele ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka loo soo bandhigay qandaraaska  iyo wakhtiga shirkad walba ay ku soo gudbiso waxqabadkeed wuxuuna sheegay in garoonka lagu dhisi doono mudo dhan 14 bilood.

Hay’ada ”UNOPS” ayaa soo bandhigtay hannaanka loo dhisayo Run-wayga Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso waxaana Runwayka laga dhigi doonaa  2650 mitir waxaana lagu dhawaaqi doonaa ka hor 30 bisha Octobar shirkada ku guulaysata dhisida garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Hoos ka Daawo warbixinta uu ka diyaariyey Tv-SomaliChannel

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online