Qarax lagu weeraray Makhaayadda The Village Restaurant ee magaalada Muqdisho

September 7, 2013 - Written by Editor

qaraxMuqdisho:-Waxaa qarax miino ah lagu weeraray mid ka mid ah Makhaayadda ugu caansan magaalada Muqdisho laguna magacaabo Village Restaurant  kuna dhow guriga Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho. Qarax miinada ah ayaa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo uu waday qof nafii hure ah waxaan qarax ku dhintay ilaa 15 qof waxaan ku dhaawacmay ila 40 qof sidda saxaafada uu u sheegay Sarkaal ka mid ah ciidanka Booliska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Wariyaasha ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaa in ay arkeen meydad gaaraya ilaa 10 qof oo rayid ah, The Village Restaurant  ayaa sanadkii hore lala beegsaday qarax mid kaan oo kale ah oo dad badan oo rayid ah lagu dilay waxaan qaraxaas weerarka geystay ururk Al-shabaab.

Qarax  lagu weeraray Makhaayarada The Village Restaurant  ayaa waxaa sheegtay ururka Al-shabaab iyagoo sheegay in dadka ay ku dileen weerarka ay ahaayeen  Jawaasiis ku shirayey  The Village Restaurant, iyagoo sheegay in dadka goobta ku sugnaa ay ahaayeen kuwa u shaqeeya cadawga

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online