R.W.Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo oo u dhoofay Geneva, (Warsaxaafadeed)

September 22, 2013 - Written by Editor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyaga oo ku sii jeeda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnaha safarkiisa ku wehliya waxaa ka mid ah Marwada Ra’iisul Wasaaraha Xil. Caasha Xaaji Cilmi, Wasiirka Garsoorka Mudane Cabdullaahi Ebyan Nuur, afhayeenka Xukuumada Mudane Ridwaan Xaaji, iyo howlwadeeno kale, waxaana ugu horeynta ay gaari doonaan magaalada Geneva, halkaasoo uu kaga qeybgali doono shir looga hadlayo arrimaha horumarinta xaquuqul insaanka dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, shirka ayaa waxaa ka qeybgali doona Wasiirka Horumarinta adeega Bulshada Drs. Maryann Qaasim Axmad iyo safiirka dalka Geneva u fadhiya dawladda Soomaaliya Mudane Amb. Yuusuf Ismaaciil (Bari-bari).

Marka uu soo idlaado shirkaasi, ayuu u soo gudbi doonaa Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa dalka Turkiga, halkaasoo ay kulamo kula qaadan doonaan madaxda dalkaasi, waxaana looga hadli doonaa kulamadaasi horumarinta iskaashiga labada wadan ee Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana sidoo kale la filayaa inuu la kulmo jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi oo u badan arday.

Garad Salad Hersi

Press officer, PM office

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online