Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo Muqdisho ku soo laabtay

September 11, 2013 - Written by Editor

saacid1Muqdisho:-Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdigii uu horkacayo ayaa goordhow dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu socdaal shaqo ku soo maray wadamada Jabuuti ,Yemen, iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Ra’iisul wasaaraha DFS ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde masuuliin ka tirsan DFS ,xildhibaano ,iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobalka Banaadir .Raisulwasaare Saacid oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in socdaalkii uu ku tagay dalala Jabuuti ,Yemen, iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay guul ku soo dhamaatay .

Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shidoon Saacid ayaa ka dhawaajiyey in guulaha ay ka gaareen socdaalkii uu ku tagay wadamada Jabuuti ,Yemen, iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ahayd in ay heshiisyo kala duwan la gaareen madaxda dalalkaas.

Ugu danbeyntii ayaa Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid waxaa uu mahad balaaran u celiyey dhamaan masuuliinta iyo dadweynihii ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde waxaana uu Raisulwasaaruhu qaban doonaa Shirja,raaid oo uu ku faahfaahin doono socdaalka uu ku tagay wadamada Jabuuti ,Yemen, iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online