Ra’iisul Wasaaraha oo qadka telefoonka uga tacsiyadeeyey Madaxweynaha Kenya Mr. Uhuru

September 22, 2013 - Written by Editor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa si adag u cambaareeyey falkii argagixiso ee ka dhacay suuq laga dukaameysto oo lagu magacaabo Westgate kuna yaala bartamaha faras-magaalaha Nairobi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qadka telefoonka xalay kula hadlay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata, isaga oo uga tacsiyeeyey dhibaatada shacabka ka soo gaartay Westgate, oo ay weerareen kooxo argagixiso ah, kuwaasoo dhimasho iyo dhaawac baahsan u geystay dad rayid ah.

“Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, aadbey uga xun yihiin dhibaatada loo geystay shacabka aanu walaalaha nahay ee Kenya, si buuxda ayaana u cambaareynayaa dhacdadaan foosha xun” ayuu ku yiri Ra’iisul Wasaaruhu madaxweyne Uhuru Kenyata mar uu la hadlayay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaskii, eheladii iyo Qaraabadii ay ka geeriyoodeen shacabkii ku sugnaa goobta, wuxuuna ku tilmaamay falkan mid muujinaya qatarta iyo arxan darida kooxaha argagixisada.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa uu si buuxda u garab istaaganyahay walaalaha reer Kenya, si la mid ah sida ay dadka Kenya iyo dawladduba inoo garab istaageen waqtigii noogu adkaa” ayuu yiri ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.

Garad Salad Hersi

Press officer, PM office

Mob.+252-61-5536608

Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online