Ra’ısul Wasaaraha DFS oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka Turkiga

September 26, 2013 - Written by Editor

IMG_0762Ankara, September 26, 2013—-Kadib markii uu Ra’isul Wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” uu soo gabagabeeyay socdaalkii uu ku joogay magaaladda Geneve ee Switzerland oo uu kaga qaybgalay kulankii Golaha Xuquuqul İnsaanka Qaramada Midoobay ee looga hadlayay sidii kor loogu qaadi lahaa xuquuqul İnsaanka Soomaaliya ayuu shalay soo gaaray magaaladda Ankara ee dalka Turkiga oo booqasho rasmi ah uu ku yimid.

Ra’ısul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo casuumaad rasmi ah ka helay Ra’isul Wasaaraha Turkiga  Rajab Dayib Ordogon. Wafdiga balaaran ee ku weheliya R.Wasaaraha Turkıga waxaa kamid ah Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Cadaaladda, Mudane Cabdulaahi Abyan Nuur, Wasiiru-dawlaha Arimaha Dibadda iyo İskaashiga Caalamiga , Mudane Maxamed Nuur Gacal, Wasiirka Ageeda Bulshada, Drs Maryan Qaasim, Wasiir kuxigeenka Howlaha Guud iyo Gaadiidka Badda, Nadiifo Maxamed Cismaan iyo qaar kamid ah la- talıyayaasha Ra’isul Wasaaraha Soomaalıya.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta oo taariııkhdu tahay 26/9/2013, waxaa uu kulamo la qaadan doona Ra’isul Wasaaraha Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogon iyo Ra’isul Wasaare kuxigeenka Turkiga Mudane Bekir Bozdag iyadoo laga wada hadli doono sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli
Ankara, Turkey
Mob.+905356899469
Email: rıdwaanhajı @gmaıl.com

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online