Rasaas weli laga maqlayo xarunta ganacsiga Westgate Shopping Mal ee Nairobi.[Daawo Live]

September 22, 2013 - Written by Editor

hhNairobi:-Waxaa weli laga maqlaya rasaas goos goos ah  xarunta ganacsiga ee Westgate Shopping Mall oo maalintii shalay ahayd ay weerareen Al-shabaab sidda uu sheegtay afhayeenkooda Shiikh.Cali Maxamuud Raag Cali Dheere. Ciidanka  Kenya ayaa waxaa ay weli la hardamayaan xoogga Al-shabaab oo tirdood lagu sheegay in ay gaarayaan 10- 15 qof  iyadoo wararka soo baxay ay hadda sheegayaan in ciidanka Kenya iyo xoogagga Al-shabaab ay iskula jiraan Dabaqa 4aad.

Ilaa hadda dadka laga soo saaray  xarunta ganacsiga Westgate Shopping Mall ayaa waxaa ay gaarayaan ilaa 1000 qof halka weli tiro dad ah oo aan tiradood la aqoon ay xoogga ururka Al-shabaab ay ku haystaan gudaha  xarunta  Westgate Shopping Mall.

Weerarka shalay ay ku qaadeen  ururka Al-shabaab  ayaa waxaa ilaa hadda ku dhintay ilaa 60 qof waxaan ku dhaawacmay 175 qof. Dowladda Kenya ayaa waxaa u soo gurmaday ciidamo  gaar ah oo ay leeyihiin Yuhuud kuwaas oo dagaalka maalintii shalay ku biiray si ay gacan u siiyaan ciidanka dalka Kenya oo weli ku hareeraysan xarunta ganacsiga ee Westgate Shopping Mal.

Hoos ka Daawo si live ah xaalada  xarunta ganacsiga Westgate Shopping Mal.

Cabdi yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online