R/w DFS oo ka qayb-galay furitaanka 2 Dakadood oo cusub oo maanta laga dhagax dhigay Djibouti

September 8, 2013 - Written by Editor

IMG_0294Djbouti:-Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo Marti-sharafta 1-aad ka ahaa munaasabad balaaran oo lagu furayay Dakaddii 6-aad iyo 7-aad ee Dalka Djibouti oo uu weheliyo Madaxweynaha Dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele waxaa ay dhagax dhigeen Dakadaha cusub ee Djibouti oo qaban doonta adeegyo kala duwan.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay dalka Djibouti munaasabadihii lagu dhagax dhigayay labada Dakadood ee Dameer-joog iyo Dorale oo fulin doona adeegyo badan oo dalka iyo gobolka ah.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in uu aaminsanyahay, kuna shaqayn doono fikirka ah in Dakadaha Gobolka iyo Soomaaliya la balaariyo isla markaana la casriyeeyo dhamaan Dakadaha ku yaala Xeebaha Soomaaliya si ay ugu adeegaan Soomaaliya iyo Geeeska Afrika.

“Hammigu waa in ka sokoow khayraadka Soomaaliya la abuuro dhaqaale kasoo xarooda Dakado casri ah, Soomaaliya waxaa ay leedahay Xeebta ugu dheer Afrika iyo Bad khayraad badan.” Ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi faarax Shirdoon Saacid.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku jooga dalka Djibouti booqasho rasmi ah oo qayb ka ah xiriirka iskaashi ee dhinacyadda Amaanka, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka Djibouti ee aan walaalaha nahay iyo Soomaaliya.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Federalka Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online