Sh.Xasan Daahir Aweys maxaan ku wada hadalnay? W/Q: Sh. Axmed Cabdisamad

September 25, 2013 - Written by Editor

sh xassanMa jeclayn inaan Sheekha u tago isaga oo maxbuus ah, mana doonayn inaan ku adkeeyo arrimo uu horay uga soo diiday rag fara badan oo wax-walbaale ah oo runtii u danqanayey, iigana dadaal badnaa isaga dan tiisa iyo danta dadka ku xeeranba. Dhinac kale rag badan baan ahayn oo ilama qurxoonayn in aan sii dhaafno salaam, iswaraysi iyo wax is tusaalayn guud.

Sheekhu warbixin ayuu na siiyey gaar ahaan mowduuca hadda taagan ee ah caddaynta mowqifkiisa, wuxuuna sheegay waxa laga dalbay in aysan ahayn wax sharciga ka hor imaanaya ee uu diidanyahay inuu wax saxiixo isaga oo xiran. Tan labaad waa dareen uu ka qabo natiijada ka dhalanaysa saxiixa warqada seddexda qodob ka kooban ee mowqifkiisa uu ku caddaynayo oo ay la tahay in laga dhalin karo inuu mowqif ama hadaf diin ah ka tanaasuley!.

Salaam iyo iswaraysi ka dib waxaan u sheegnay in aan ugu garaabi karno diidada saxiixa warqada marka laga eego dareenkiisa ku aaddan nin weyn oo isaga oo xiran warqado laga saxiixayo!, Laakiin dhinac kale waxaan ka tusnay:

1. Tixgalinta ay ka mudanyihiin dadka faraha badan ee ehel iyo asxaaba leh ee har iyo habeen u taagan hawshiisa.

2. Sida dadka isaga jecel ay u dhibayso inuu meeshaan ku jiro oo uu ku go’doonsanaado iyo sida arrintaasi dadka nicib ay u faraxgalinayso.

3. Baahida ay soo bixidiisa u qabaan kumanyaalka dhalinyarada ah ee duurka ku go’doonsan oo kusoo hiran lahaa, kagana badbaadi lahaa halaagga ay naftooda iyo ummaddooda u geysanayaan. Waxaan ku niri: dhib ma leh adiga ahaan inaad xabsi gaaga isaga jirtid oo aad ku khalaawaysid laakiin marka la eego dadka kuu baahan gaar ahaan kuwa ku dambeeya halkii aad ka soo baxsateen waxaa habboon inaad qaadatid mowqifkii saxaabigii Cabdullaahi Ibnu Xudaafa ahaa ee boqorka Roman-ka ka aqbalay inuu madaxa ka dhunkado; si uu ugu sii daayo maxaabiista muslimiinta ah oo dhan.

Ma aysan jirin wax diinta dhaawacaya oo sheekhu ku diidanaa saxiixa waraqada iyo soo bixidiisa sida uu isagu noo sheegay laakiin waxaa haystey dareen qof ahaaneed; sidaa darteed ma furnayn wax sheekha lagala doodo iyo jawaabo aan ka sugeyney oo hadalkiisii hore ka duwan, awalna hadalkayagu tusaalayn guud buu ahaaye kuma jirin illaa wa-illaa sidaa noo yeel.

Intaa ka dib aynu Sh. Xasan mar kale dareensiino fursadaha xirnaantiisa kaga lumaya isaga iyo ummaddaba oo ay ugu horayso:

1. Inuu fursad u helo sidii uu u badbaadin lahaa dad badan oo kalsoonida ay isaga ku qabeen darteed u raacay Al-shabaab ama u taageeray; waayo qofka wixii sababtiisa ku xumaada inuu hagaajiyo ayaa laga doonayaa, waxaana hubaal ah in aysan arrintaas ku filnayn raddinta uu u jeediyey hoggaanka Al-shabaab iyo hadalada intii uu dhexjoogay uu ka yiri qalloocooda.

2. Inta uu xabsiga cidlada ah dhexfadhiyo in wax badan oo uu qabsan lahaa ama ummadda u tari lahaa dhaafayaan. Dacwada iyo tacliinta sharciga ah oo aan cidina waddo qalloocan ku khasbayn waa u furantahay. Haddii uu siyaasad danaynayo albaabkeedu wuu u furanyahay, haddii uu arrimaha bulshada iyo masaalixda caamka ah ka shaqaynayana waa u sahlantahay. Dhinac kale haddii uu jihaad isku dayi lahaa mujaahidiinta Al-shabaab ayaanba dagaalka gaalada fursad u siinayn!.

3. In xariggiisu hiil buuxa u yahay cid walba oo isaga la col ah gaar ahaan kooxdii uu ka soo baxsaday oo ku wiirsanaysa, dadkii kale ee kasoo qixi lahaana isaga tusaale xun looga dhigayo. Dhanka kalena dadka isaga wanaagga la doonaya ee dantiisa ka murgaya ama meelfog wax ka eegaya ee garanaya kaalinta uu ka qaadan karo xallinta mushkiladda haysata dhalinyarada Al-shabaab iyo tay bulshadooda ku hayaan mowqifkiisu intaasba wuxuu ku yahay dhabarjabin iyo garab ka bax.

4. In maalinba maalinta ka dambaysa ay sii yaraanayso isku duubnida dadka arrintiisa u taagan. Tusaale-na waxaa ugu filan isku af-celinta xisbigiisa ee warbaahinta laga maqlay. Haddii aanu mowqifkiisa wax ka badalina wuu sii yaraanayaa xiisaha loo qabo soo bixidiisa iyo walwalka arrintiisu dadka ku hayso.

Gabagabadii bulshadeena gaar ahaan dadka Sh. Xasan dabinka la jecel aan dareensiino in siyaasada dabargoynta iyo is-reeb reeb ku aysan dan inoo ahayn ee aynu ka fakarno sidaynu isaga xallin lahayn mashaakilka dabada dheeraaday ee diinteena iyo jiri taankeena khatarta ku ah, isla markaasna aynu ula kaashan lahayn cid kasta oo wax ina kala qaban karta aynuba nibcaanee.

Tan kale munaasib maaha in aynu ka ilduufno danta guud ee diinta iyo ummadda, gaar ahaan dadka loolanka siyaasadeed ama beeleed ama kooxeed kala dhexeeyo xukuumadaha dalka ka dhisan waxaa la gudboon in aan loolanku ka indhasaabin tubta toosan.

W/Q: Sh. Axmed Cabdisamad

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online