Sh.Yuusuf C/Casiis oo loo doortay gudoomiyaha Golaheeda aasaasayaasha Jaamacada Bariga Afrika

September 9, 2013 - Written by Editor

10Boosaaso:-Jaamacada Bariga Afrika Golaheeda aasayaasha ayaa waxaa loo magacaabay Sheekh Yuusuf Cabdi Casiis ka dib markii ay kulan isigu yimaadeen madaxada kala duwan ee jaamacada Bariga Afrika.Kulanka ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland waxaana kulanka lagu qaadaa dhigay horumarka ay ku talaabsatay Jaamacada Bariga Afrika.

Sh.Yuusuf Cabdi Casiis ayaa waxaa uu ka mid yahay culumada dhidibada u aasay Jaamacada Bariga Afrika waxaana xilkan loo magacaabay uu ku soo aaday ka dib markii kooxaha Al-Shabaab ay dileen gudoomiyihii aasayaasha Jaamacada Bariga Afrika Fadiilat Sheekh C/qaadir NuurFaarax allaha u naxariistee.

Waxaa cod Aqlabiyad ah loogu doortay Goddoomiyaha Cusub ee Asaasayaasha Jaamacadda Bariga Afrika Sh.Yuusuf Cabdicasiis Maxamad . isla markaana waxaa cod Aqlabiyad ah loogu doortay Gudoomiye ku xigeenka Asaasayaasha Suldaan Cabdi salaan Suldaan Maxamuud Axmad.Waxaa sidoo kale cod Aqlabiyad ah loogu doortay Prof.Maxamad Cabdi Aadan ( Gudoomiyiihii hore ee Golaha Fulinta ee Jaamacadda) inuu Buuxiyo Xubinta Mu,sisiinta ka dhiman.

Waxaa la go,aamiyey in degdeg loogu dhiso Kuliyadaha Caafimaadka , Xanaanada Xoolaha iyo Waxbarashada, Shaybaarro Casri ah islamarkaana lasii horumariyo Baraatikada Ardada Kuliyadahaas.Jaamacada bariga Afrika waxaa ay ka mid tahay jaamacadaha ugu faca weyn ee ka hanaqaaday deegaanada Puntland waxaana ay xarumo kala duwan ku leedahay magaalooyinka Boosaaso,Garoowe,Qardho.Buuhoodle,Goldogob,iyo Gaalkacyo .

Waxaa sidoo kale Golaha Board-ku cod aqlabiyad ah Guddoomiye ugu doortay Dr.Aadan Sheekh doon Cali , islamarkaana waxaa Gudoomiye ku xigeen cod Aqlabiyad ah loogu doortay Ustaad Maxamuud Qorane Maxamad .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online