Shir looga hadlayo xadgudubka diineed oo ka furmay magaalada Muqdisho

September 8, 2013 - Written by Editor

Muqdisho:-Shir wayne looga hadlayo xadgudubka diineed iyo Xagjirnimada ee Ururka Al-Shabaab ayaa ka furmay magaalada Muqdisho waxaana shirweynaha ka soo qeyb galay Culimo, aqoon yahan, odoyaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shirweynahan ayaa waxaa horey ugu baaqay culumada Soomaaliyeed ka dib markii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax alaha u naxariistee lagu dilay magaalada Garoowe xili uu ku jiray Salaad casar waxaana dilka geystay amniyaadka kooxda Al-Shabaab.

Shirkan ayaa socon doona mudo 5 maalmood ah waxaana hadalo ka jeediyey shalay madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxmuud iyo Guddoomiyaha hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Dr. Bashiir Axmed Salaad.

Madaxweynaha DFS Xasan Sh. Maxamuud oo shalay khudbad kooban ka jeediyey shirka ayaa sheegay in xadgudubka diineed looga gudbi karo iskaashi, iyo wada jir waxaana wax laga xumaado uu ku tilmaamay in dhallinyaro Soomaaliyeed afkaar khaldan lagu shubay ka dibna ay laayaan shacabka Soomaaliyeed.

Dr Daahir Maxamuud Geelle ayaa isna ka hadlay shirka shalay waxaana uu sheegay in shirka uu socon doono 5 maalmood isaga oo sheegay qodobada lagu lafo guri doono.

1-Qeexidda sharciga ah ee xagjirnimada, halka ay Al shabaab kaga jirto khariiradada xagjirnimada iyo kuwa kale. 

2-Saxaafadda iyo saameynta ay ku leedahay xagjirnimada iyo wadcyiga muwaadinka Soomaaliyeed 

3-  Daruufaha bulsho ee ka qeyb qaatay baahitaanka xagjirimada 

4-Dhaqaalaha oo ay ka midtahay daruufaha dhaqaale ee sababay baahitaanka xagjirnimada. 

5-Siyaasadda oo looga doodayo habka wax looga qaban karo xagjirnimada.

 Shirweynaha ka furmay shalay magaalada Muqdisho ayaa ku soo aaday xili xadgudubka diineed ee Al-Shabaab uu gaaray meeshii ugu sareysay ka dib markii ay iyaga madaxdoodii ku dileen magaalada Baraawe xili qaar kale ay doon uga baxeen isla Degmada.

Khilaafka ka dhex aloosan Al-Shabaab ayaa gaaray in xitaa in ay diinta iska saaraan waxaana ka dheehan kartaan qoraalada ugu danbeeyey oo ay barta internetka soo dhigeen Abu Yuusuf Qariib ,Zubeyr Muhaajir, Abu bakar Zaylici ,Abu Yaasir Al-Muqdishi ,waxaana u danbeeyey Abu Mansuur Al-Amriki oo ay wareysi la yeelatay idaacada Voa isaga oo ku eedeeyey hogaanka Al-Shabaab in ay sharaacda ka leexdeen.

Mar la weydiiyey Al-Amriki lacagta uu duldhigay Mareykanku ayuu wuxuu yiri :-In Maraykanku aysan hadda danaynaynin in ay Gantaal la beegsadaan balse ay u sahlan in ay Al-shabaab siiyaan 5 Milyan oo Doollar ayna u sheegaan in ay i bartilmaamaystaan, Xaasas keyga xiraan , Caruurtayda ay dhigaan hooyo iyo Aabe la’aan marka waxaa ay ila tahay in ficilka Al-shabaab iyo Maraykanka uu xiriir ka dhexeeyo.

Xadgudubka diineed ee Al-Shabaab waxaa u danbeeyey shalay markii ay qarxiyeen makhaayada The Village halkaas oo ay ku dhinteen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Shirweynaha looga hadlayo xadgudubka diineed ayaa galay maanlintiisa labaad waxaa khudbado kala duwan ka jeedshay ergada ka soo qeybgashay shirweynaha ka socda Muqdisho.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online