Taliyaha Ciidanka Booliska DFS Jen Saacid oo gaaray magaalada Baladweyne

September 26, 2013 - Written by Editor

hiiraanHiiraan:-Taliyaha Ciidanka Booliska DFS Jen C/xakiin Daahir Saacid iyo wafdi saraakiil ah oo uu horkacyo ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.waxaana garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyey Maamulka gobalka iyo saraakiil ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM.

Taliyaha Ciidanka Booliska DFS Jen C/xakiin Daahir Saacid iyo wafdi saraakiil ah ee la socda ayaa waxaa ay haatan kulamo la leeyihiin Saraakiisha Booliska, Melitariga, kuwa AMISOM iyo masuuliinta gobalka Hiiraan waxaana ay ka wada hadli doonaan amaanka guud ee gobalka Hiiraan iyo sidii loo adkeyn lahaa.

Amaanka guud ee magaalada B/weyne ayaa aad loo adkeeyey waxaana magaalada meel walba xirtay ciidamo ka tirsan DFS iyo ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM lama yaqaan inta maalmood oo uu Taliyaha Ciidanka Booliska DFS Jen C/xakiin Daahir Saacid uu joogi doono magaalada B/weyne.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online