Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Puntland oo shir jaraa’d ku qabtay Gaalkacyo

September 16, 2013 - Written by Editor

taliyeGaalkacyo:-Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Puntland Gen-Muxudiin Axmed Muuse ayaa maanta ka hadlay howlgao culus oo baryahaan ka socday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxaana uu taliyuhu faahfaahin ka bixiyey howlgalada ka socda Gaalkacyo.Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Puntland Gen-Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay in ay ciidanka amaanka magaalada Gaalkacyo ay gacanta ku soo dhigeen xubno amaandaro ka waday Gaalkacyo kuwaas oo ay ku jiraan dhalinyaro looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa waxaa ku sugan saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka Puntland iyo wasiirka amniga Puntland Col.khaliif Ciise Mudan iyada oo isbuucii hore ay gaareen ciidamo dheeri ah oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland.

Gen-Muxudiin Axmed Muuse ayaa ugu baaqay shacabka Puntland iyo gaar ahaan dadweynaha ku dhaqan magaalada Gaalkacyo in ay ka qeyb qaataan sidii ay gacan u siin lahaayeen ciidamada amaanka si loo sugo amaanka looga hortago kuwa wax u dhimaya amaanka guud ee magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa amaankeedu dhaamaa sidii hore waxayna baryahan ka nasatay dilalkii qorsheysnaa oo ay magaalada ka fulin jireen kooxaha amniyaadka ee ururka Al-shabaab.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online