Wasaarada warfaafinta Puntland oo shaqada ka joojisay TV-ga Universal

September 21, 2013 - Written by Editor

Garoowe:-Dowlad Puntland ayaa maanta si rasmi ah shaqada uga joojiyey telefishinka Universal ee ka howlgali jiray degaanada Puntland waxaana lagu eedeeyey in uusan soo tabin khudbadii Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole uu ka jeediyey shirkii Brussels ee looga hadlayey arrimaha Soomaaliya.

Digreeto ka soo baxday xafiiska wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa lagu qeexay in telefishinka Universal uusan ka shaqeyn karin deegaannada Puntland laga billaabo maanta waxaana wasaarada ku eedeeys in Tv Universal uu ku xadgudbay anshaxa saxaafadda caalamiga ah.

Wasaarada Warfaafinta Puntland ayaa amar ku siisay hay’adaha amniga ee Puntland in ay si rasmi ah u fuliyaan wareegtada ka soo baxaday wasaarada Warfaafinta Puntland cidii ku xadgudubtana ay ka qaadaan talaabo adag.

Masuuliinta Tv Universal ayaa ilaa iyo haatan ka hadal wareegtada ka baxaday Maamulka Puntland oo shaqada looga joojiyey Tv Universal.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online