Wasiirka arrimaha gudaha Kenya oo sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka Al-shabaab

September 28, 2013 - Written by Editor

KENYA-ATTACKNairobi:-Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in dowladdiisa ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab waxaana uu meesha ka saaray in ciidanka dalka Kenya ay ka soo baxayaan gudaha dalka Soomaaliya.

Ururka Al-Shabaab ayaa baaq u jeediyey dowlada Kenya kaas oo ahaa in hadii ay nabad rabto ay ciidankooda kala soo baxaan gobalada jubooyinka iyo Gedo waxaana arinkaas dhagaha ka fureystay madaxada sare ee dowlada Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay gudaha Soomaaliya galeen ka dib markii ay dareemeen in Ururka Al-Shabaab uu khatar ku yahay amaanka dalka Kenya wuxuuna sheegay in ciidanka ay sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa sanadkii 2011 gudaha u galay Soomaaliya waxayna qabsadeen deegaano ka tirsan gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online