Waxaa Al-shabaab isku sammeynayaan miyeysan aheyn wixii ay umadda Soomaaliyeed ku sammeynayeen? (Warbixin)

September 16, 2013 - Written by Editor

astaanta-al-shabaabjpXarakada Al-shabaab, ayaa in dhawaale iskula kaceysay wixii ay muddada dheer ku sammeyna yeen ummadda Soomaaliyeed. Tan iyo intii ay soo baxday is-khilaafka xubnihii ugu sarreeyey ee xarakada Al-Shabaab, ayaa waxaa soo baxay warar iyaga dhexdooda ka soo baxayey oo sheegayey waxa dhexdooda ka soconayey bilihii la soo dhaafay, iyadoona dad badan ay u muuqato  waxa dhexdooda ka socda iney yihiin wax in badan la soo arkay sanadihii ay jireen.

Is gaaleysiin dhexdooda ah

Sida ay qoraallo badan ku sheegeen xubno ka mid ah Al-Shabaab, kuwaasoo qaarna iyaga iska dileen, kuwa kalena la sheegayo in nolol iyo dhimasho aan la ogeyn halka ay ku sugan yihiin, waxaa jira is-gaaleysiin, qaarba kuwa kale ay gaaleysiiyeen, waxaana caddeynahaas bixiyey:

1-Ibraahim Afgaan oo amniyaadka isla kooxdaas ku dileen Baraawe

2-Zubeyr Mujaahir, oo markii ugu dambeysay Amniyaadku ku qabteen Baraawe, balse xaaladdiisa aan la hubin

3-Abuu Yuusuf Qariib, oo qoraal uu dhawaan soo saaray wax badan shaaca kaga qaaday.

4-Abaa Yaasir Al-Maqdashi, oo isna dhawaan cod uu soo duubay arrimahaas wax badan kaga ifiyey.

5-Abuu Mansuur Amriki, oo howdka gobollada Baay iyo Bakool ay ku dileen amniyaadka xarakada.

Banneysiga Dhiigga Muslimiinta

Qodobkan, ayaa sidoo kale waxaa caddeeyey raggii qodobkii hore aan tusaalayaasha uga soo qaadaney, kuwaasoo wax la dilay, wax la xiray, iyo kuwa la ceyrsanayo isugu jira.

Diidid talo Culimo

Xubnaha Al-Shabaab ee aan soo sheegnay, ayaa qoraaladooda iyo hadallada ay uga soo horjeedaan hoggaankooda, waxay ku sheegeen in iyaga dhexdooda ay iska diideen talada Culimadii iyaga taageersaneyd.

Dad Masaajid ka soo baxay oo la dilo

Dhammaan raggii ka horyimid hoggaamiyahooda Axmed Cabdi Godane, ayaa ku eedeeyey xarakada iney dad masaajid ka soo baxay dileen, iyagoo u jeeday kuwa dhexdooda ay iska dileen.

Qodobadan ay dhexdooda ka qirayaan, ayaa ah dhammaan kuwii iyaga lagu haystay, waxaana tusaalayaal u ah, sida ay umadda u gaaleysiiyeen, dhiiggooda u daadiyeen, taladii Culimada u diideen, dad salaad u socda iyo Culimada Masaajid ku jirtaba u boqno gooyeen, waxaasoo dhan ma ahan wax cid kale loo Markhaati gashanayo ee waa wax iyagii qirayaan.

Waxaa intaas dheer taageerayaashoodii gaar ahaan intii afka iyo qalinka ku daba taagneyd, markii ay dhexdooda is cunidda bilaabeen inay la kala safteen, oo fasaxeen in qaarkood la laayo, taasoo ah wax dad badan a yaabisay. Ugu dambeyntii: arrimhan Soomaaliya ka dhacaya, ayaa horey uga soo dhacay dalal kale oo caalamka Muslimka ka mid ah, iyadoona horey tan oo kale ay u saadaaliyeen indheer garadka umadda, waxaana dad badan hadda u soo baxaya wax badan oo markii hore ayan u fileynin.

Source: Somalireal-Muqdisho

 

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online