Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka DFS oo lagu dilay magaalada Muqdisho
September 22, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in galabta lagu dilay magaalada Muqdisho xildhibaan Xuseen Cabdisalaan oo ka tirsan baarlamaanka DFS. Koox aan heybtooda la aqoon ayaa Xildhibaan Xuseen Cabdisalaan ku dilay xaafadda Buula-xuubey ee magaalada Muqdisho waxaana goobta ka baxsaday dhagarqabayaashii dilay xildhibaanka.
Meydka Marxuumka ayaa la geeyey Isbitaalka Madiina waxaana goobta lagu dilay soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa DFS waxayna baaritaano ka bilaabeen xaafada Buula-xuubey ee magaalada Muqdisho .Kooxda dilka geysatay ayaa ka baxsatay goobta ilaa haatan ma jirto cid loo qabtay dilka xildhibaan Xuseen Cabdisalaan .
A/Cawale
Halgan.net