Yaa gaal ah yaase loo gurmaa?!!! W/Q Sh.Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur

September 5, 2013 - Written by Editor

fuaadShiribku waa suugaan guun ah oo laga isticmaalo qayb ka mid ah gobollada koonfureed ee Soomaaliya, waa suugaan baydkeedu ka koobanyahay labo lugood lug hore iyo lug dambe, waana in xarafka shiribku ku socdo uu lug walba ugu yaraan labo jeer ku jiraa. Haddaba astaanta qormadeydaan waa lug ka mid ah shirib uu tiriyey odey reer Garasbaalleey ah, odeygu maalin ayuu wuxuu arkay niman dhallinyaro ah oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Shabaab oo dagaal abaabulaya, waxay leeyihiin waa in la dagaallama cirroole iyo carruur, rag iyo dumar, dadkaan waa in lala diriraa, waa murtadiin, waa gaalo raac, waa ashahaado la dirir, waa jaajuus, Maraykan ayuu u shaqeeyaa, Itoobiya ayuu jaal la yahay iyo ereyo kale oo fara badan oo midba mid ka inkaaran yahay!!!.

Odaygii intuu yaabay ayuu yiri dadkaan lagu jihaada ma soomaaliyaa?, markaas ayaa la yiri haa, markaasuu yiri oo xay tahay dadkiiy oo dhamaa diintii laga saaraye!!, markaas ayaa la yiri adeer raalli ahaw iska daa hadalka badan, markaas ayuu yiri tixdaan shiribka ah.

Nin walba gartiisii waa qotee
Yaa gaal ah yaase loo gurmaa?.

Odaygu wuxuu tusaale u soo qaatay dad cunto cunaya dhaqankood, xeerada marka lagu soo rido Bariis ama Soor (Gashiisho) waxaa la dalooliyaa bartamaha raashinka waxaa lagu shubaa subag sixin ah ama maakhiri dabadeedna waxaa dusha looga sii shubaa caano dhanaan oo ama Karuur jinawa ah ama Garoor libiq ah, sidoo kale konfurta ciirtana waa lagu iidaantaa, haddaba marka la keeno xeerada noocaas ah ayaa nin walbaa kanaal subag ah soo dillaacsadaa oo inta dhiniciisa goto subagii iyo caanihii iidaanka ahaa qaybtiisii helaa oo ku cunaa raashinkii la soo dhigay!!, marka odaygu ra’yiga qolo walba ay qabto ayuu tusaale uga dhigay dhaqankaas (nin walba gartiis waa qotee) yacnii qumanihiisa ayaa qoorta ugu jira ama qumbe caddihiisa ayuu ligligga haystaa oo nina u joojin maayo!!.

Midda kalena waxaa mari weyday in dadka oo dhan shaabbad gaalnimo lagu dhufto, waxaa kale oo uu sii odorosay in ay hawshu u soo gudbi doonto gabannada dhexdooda (Yaa gaal ah yaase loo gurmaa?)!!, yacnii ummaddii xerada laga wad saarye toloow muslinka loo gurmanayo waa kee?.

Runtii waxaa shiribkaan i xusuusyey cod lagu baahiyey mareegaha soomaalidu wax ku qorto oo la yiri nin Abuu Mansuur Al-amriiki la yiraahdo ayaa soo duubay, wuxuu aad uga cawday horjoogihiisa, wuxuu tirsadag gaboodfal weyn, wuxuu sheegay in lagu galda’ay, wuxuu sheegay in jaajuus lagu sheegay, in uu Maraykan u dhaqeeyo in lagu eedeeyey!!, wuxuu isaguna ku soo afmeefay in horjoogohoodu shareeco diid yahay!!!, waxaa intaas ka sii horreeyey in aakhiro loo diray raggii curiyey aragtidaan yaabka leh, in qaar xabsi galeen, qaar meelo qarsoodi ah ka soo tinnaagoonayaan!!.

Alloow yaa maanta soo hela odayga shiribkaan curiyey, wuxuu ahaa odey waayo arag ah, wuxuu oddoros dhab ah saaray wax markaas maqnaa laakiin uu gartay in ay mar uun imaanayso waana tan hadda taagan, malaha waxa ka sii dambeeyaana waa ka sii daran yihiin!!!.

W/Q Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur.

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online