657 Soomali ah oo xabsiga la dhigay ka dib qaraxyadii xalay ka dhacay Xaafada Islii.
April 1, 2014 - Written by EditorNairobi:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Islii ayaa sheegaya in ka badan 657 Soomaali ah xabsiga la dhigay ka dib qaraxyadii xalay ka dhacay xaafada Islii
Ciidamada Amaanka ayaa xalay howlgalo ay ka sameeyeen xaafada Islii waxay xabsiga dhigeen in ka badan 657 qof waxaana ay ku xiran yihiin xabsiyada magaalada Nairobi.
Wargeyska Daily Nation oo ka mid ah wargeysyada aad ugu kacsan Soomaalida ayaa ka soo xigtay sarkaal ka tirsan Booliska in dad badan ay xabsiga dhigeen xalay saqdii dhexe.
Dadka xalay laga raafay Xaafada Islii ayaa waxaa ku jira dad sharciyo leh kuwa da, ah ,caruur iyo haween waxaana arinkan uu ku soo aaday xili Madaxweynaha dalka Kenya iyo Ganacsatada Islii ay kulmeen iyaga oo ka wada hadlay horumarinta iyo Amaanka Xaafada Islii.
Shacabka ku dhaqan Xaafada Islii ayaa waxaa ay is weydiinayaa wax qaraxyada loola eegto xaafadooda oo aan xaafadaha kale oo ay Kenyanka degan yihiin aan loo qarxin ,waxaa kaloo isweydiin leh wax qaraxyada ku soo aadiyey xili Wasiirka Arimaha gudaha dalka Kenya Joseph Lenku uu ku baaqay in qoxootiga Soomaalida ay xerooyinkooda ku laabtaan.
Kooxda Al Shabaab ayaa looga shakisan yahay in ay ka danbeyso qaraxyada ka dhacaya xaafada Islii iyo dhamaan weerarada kala duwan ee ka dhaca gudaha dalka Kenya.Ciidanka Booliska ee dalka Kenya ayaa lacago Laaluush ah ka qaadanaya dadweynaha ay xalay ka raafeen xaafada Islii.
Xildhibaanka degmada Kamukunji Yuusuf Xasan Cabdi ayaa cambaareeyay qaraxyadii xalay ee sababay dhimashada iyo dhaawaca ee xalay ka dhacay Islii.Wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya in qaraxyadii xalay ka dhacay Islii ay ku dhinteen lix qof oo labo ka mid ah ay Soomaali yihiin waxaana ku dhaawacmay 25 qof oo kale.
A/Cawale
Halgan.net