Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee DFS oo ka warbixiyey shir ka dhacay Magaalada Abuu Dubai[Masawiro]

April 30, 2014 - Written by Editor

dhagaxDubai:-Shirkaan oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Abuu Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka carabta ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda Badaha Caalamka iyadoo ay kasoo qeybgaleen 21 –Agaasimeyaal guud oo kala matalayay Wasaaradaha Gaadiidka badda ee Wadamada Afrika iyo Carabta.

Agaasaimaha Guud ee wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Somaaliya Mudane maxamed Cusmaan cali Dhagaxtuur oo Soomaaliya u matalayay kaqeybgalka shirkaas ayaa isagoo ku sugan magaalada nairob uga warbixiyay Warbaahinta ahmiyadda uu lahaa shirkaasi waxa uuna xusay in agaasimeyaasha shirka isugu yimid ay go’aamiyeen in Wadamada Gobalka ay la wareegaan maamulka badahooda islamarkaana ay ka madax bannaanaadaan Hay’adda Badaha Caalamka oo markii hore gacanta ku haysay maamulka badaha.

Mudane Dhagaxtuur ayaa tilmaamay in sidoo kale agaasimeyaashu ay isku raaceen in Magaalada Muqdishu laga hirgeliyo Xarun ay ku wadaagaan wadamada Afrika iyo carabta warbixinnada ku saabsan Dhibaatooyinka lagu hayo badaha maadaama ay maraakiibta shisheeye qaarkood ay wasaqeeyaan badaha islamarkaana ay si sharci darro ah uga kalluumeystaan, isagoo intaasi ku daray in Xarumaha Information Sharing-ka ay sidoo kale horay uga sameysnaayeen wadamo ay kamkid yihiin Tanzania iyo Jabuuti.

no images were found

Shirkaan agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Gaadiidka badda Dowladaha afrika iyo carabta ugu soo gebogeboobay Magaalada abuu Dubai ayaa gogol xaar u ah Shir Heer wasiir ah oo la filayo in bisha may lagu qabto Magaalada London ee xarunta dalka Uk kaas oo Soomaaliya uu uga qeybgeli doono Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowlada Somalia, waxaana wasiiradu ay qalinka ku duugi doonaan soo jeedinta ay sameeyeen agaasimeyaasha guud ee ku shiray magaalada Abu Dubai ee dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Mohamed Abdulkadir Dahir
<mcdaahir11@gmail.com>

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online