Boqorka dalka Malaysia oo warqadaha danjiranimo ka gudoomay ambassador Nur Farah.

April 3, 2014 - Written by Editor

DSC_2014Kuala Lumpur:- Boqorka dalka Malaysia Al-Sultan Almu’tasimu Billahi Muhibbuddin Tuanku Alhaj Abdul Halim Mu’adzam Shah  ayaa ka gudoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo , ambassador Nur Farah Hersi oo ah Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Malaysia kadib xaflad balaaran oo ka dhacday qasriga Boqortooyo ee ku yaala caasimadda Kuala Lumpur .

Danjire Nur Farah , ayaa intii munaasabadda ay socotay waxa uu gudbiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Hassan Sheikh Mohamud  , isagoo bogaadiyay Boqorka Malaysia, una rajeeyay caafimaad qab iyo baraare , Xukuumadda iyo Shacabka Malaysia horumar iyo barwaaqo .

Dhankiisa , Boqorka Malaysia  Sultan Abdul Halim Mu’adzam Shah ayaa salaan gaar ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , isagoo u rajeeyay caafimaad qab iyo barwaaqo , Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliya  horukac nabadeed iyo horumar .

Waxaa kale oo Boqorka u rajeeyay Safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalka Malaysia guul iyo xil gudasho ammaan mudan , isagoo ku celceliyay dadaalka dowladda Malaysia ee ku aadan taageerida dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sare u qaadida xiriirka laba geesoodka ah ee saaxiibtinimada leh ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Malaysia  , si loo gaarsiiyo heer  iskaashi xoogan oo dhinacyo badan leh oo ay wada saxiixdaan labada dowladood.

Munaasabadan oo uu ku wehlinayay Safiirka , Jibril Mohamed Osman oo ah Kuxigeenka Safiirka ahna Lataliyaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Malaysia , ayaa waxaa  goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Malaysia, agaasimaha hab maamuuska , saraakiil hab maamuus , agaasimaha Boqortooyada Malaysia iyo mas’uuliyiin kale , waxa ayna ku dhammaatay jawi reyn reyn leh.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online