Ciidamada AMISOM oo rasaas ay fureen ay ku dhaawacmeen 3 qof oo rayid ah magaalada Kismaayo
April 9, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada hoose ayaa sheegaya in qarax lagula eegtay gudaha magaalada Kismaayo askar ka tirsan ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa dalka Burundi
Qaraxan lagu weeraray ciidanka AMISOM ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, qaraxa ka dib ayaa ciidamada Burundi waxay fureen rasaas faro badan taas oo sababatay in ay dhaawacmaan 3 qof oo rayid ah.
Ciidamada AMISOM ayaa waxaa qaraxa lagula eegtay xaafada Via Afmadow ,qaraxa ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa Maamulka Juba waxaana ay howlgalo ka sameeyeen xaafada Via Afmadow ee uu qaraxu ka dhacay.
Lama garanayo ilaa haatan khasaaraha soo gaaray ciidanka AMISOM ee maanta weerarka miino lagu qaaday .
Cabdi Yare
Kismaayo