Ciidamo iyo Gaadiid kasoo goostay S/land oo soo gaaray Garoowe (Masawiro)
April 21, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland ayaa waxaa soo gaaray saraakiil iyo ciidamo ka soo gostay Maamulka S/land kuwaas oo fariisimo ku lahaa deegaanka Carmaale ee gobalka Sanaag.
Ciidamada ka soo goosatay Maamulka S/land ayaa waxaa horkacayey G/ sare Maxamed Saalax Tus-baxle oo ahaa taliyaha ciidamada Soomaaliland ee bariga Sanaag waxaana ay ciidamada gaarayaan sida ay sheegeen saraakiisha ka soo goosatay S/land 200 oo askari kuwaas oo ku sugan deegaano ka tirsan gobalka Sanaag.
Masuuliiin iyo Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa ku soo bandhigay Saraakiil iyo ciidamo Istaaf u ahaa kuwaas oo gaaraya 60 askari.Taliyaha Ciidanka ka soo goostay Maamulka S/land Maxamed Saalax(Tusbaxle) oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in ay u adkeysan waayeen dhibaateynta ay ciidamada S/land ku hayaan shacabka Puntland.
Gudoomiyaha gobolka Nugaal iyo taliye ku xigeenka ciidanka booliska Puntland iyo saraakiil kale ayaa deegaanka suna-jiif ee gobolka Nugaal ku soo dhoweeyey ciidamada ka soo goostay S/land.
no images were found
Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Puntland Cabdirisaaq Muuse Maxamuud (Ajuuke) ayaa sheegay in ciidamada ka soo goostay Somaliland ay iskood u go,aansadeen in ay ku soo biiraan Puntland wuxuuna sheegay in wixii laga bilaabo maanta ay yihiin ciidamo ka tirsan Puntland.
Qaar ka mid ah ciidamada ka soo goostay Maamulka S/land ayaa waxaa ay ku biireen ciidamada Puntland ee Degmooyinka Dhahar iyo Badhan ee gobalka Sanaag.
M_M Deeq
Halgan.net