Ciidan gaar ah oo ka socda dalka Uganda oo yimid magaalada Muqdisho
April 17, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Ciidan gaar ah oo ka socda dalka Uganda laguna sheegay in ay ilaalin doonaa shaqaalaha iyo xarumaha hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa saaka ka degay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.
Ciidankaan ka yimid dalka Uganda ayaa waxaaa tiradooda lagu sheegay 60 askari waxaan markii ay ka soo gaareen garoonka Aadan Cadde magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka socday Qaramada Midoobay oo uu horkacayo Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.
Ciidanka Uganda ka imaanaya ee loogu talagalay inay ilaaliyaan xarumaha Qaramada Midoobay ayaa waxaa tiradooda la gaarsiin doonaa ilaa 400 oo askari waxaan la filayaa in bisha April ay soo dhamaystiraan sidda uu saxaafadda uu u sheegay afhayeen dhinac howlgalka Qaramada Midoonay ee Soomaaliya Aleem Siddique.
Ilaa hadda lama yaqaan wax ay sababay in cidamo ajnabi ah oo hor leh ay soomaaliya ku yimaadaan magac kale oo ah in ay ilaalinayaan mas’uuliyiin ka socday Qaramada Midoobay balse waxaa cad in Soomaaliya ay noqotay meel laga biilo Cidamada dalalka dariska la ah Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net