Ciidanka DFS iyo AMISOM oo sheegtay la wareegista deegaanka Ceyn
April 23, 2014 - Written by EditorHiiraan:-Wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ay ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay duulaan ku qaadeen deegaanka Ceyn oo 36 km dhinaca waqooyi-bari uga beegan degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan waxaa halkaas xarun u ahayd kooxda Al-Shabaab
G/Srae Xuseen Hoorow oo ka mid ah saraakiisha ciidanka DFS ayaa u sheegay warbaahinta in saaka ay ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay gaareen deegaanka Ceyn wuxuuna sheegay in ciidamada Al-Shabaab ay isaga baxeen
Mar wax laga weydiiyey khasaaraha kala gaaray laba dhinac ayaa waxaa uu sheegay in labo qof ay ka dileen Al-Shabaab gaar kalana ay dhaawaceen .G/Srae Xuseen Hoorow ayaa sheegay in Al-Shabaab ay duulaanka ka soo qaadi jireen deegaanka Ceyn ayna dhibaateyn jireen dadweynaha u kala safra Degmooyinka Buulo-burte iyo B/weyne
Ilaa haatan ma jiraa cid xaqiijisay guusha ay sheegteen ciidanka DFS .Mana jirto cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay
A/Cawale
Halgan.net