Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay Xubno ka tirsan Al-shabaab oo qarax ay dhigayeen uu ka fashilmay.[Cod/Masawiro]

April 29, 2014 - Written by Editor

15Boosaaso:-Ciidanka amniga Puntland ee Boosaaso ayaa waxaa ay saaka saxaafadda u soo bandhigeen dhalinyaro gaaraya ilaa 13 kuwaas oo ay ciidanku ku eedeeyeen in ay wax ka abaabulayeen qarax fashilmay oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso e xarunta gobolka Bari. Ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso ayaa dhalinyarada ay saaka soo bandhigeen waxaa ku jiray nin dhalinyaro ah oo dhaawac fudud uu ka soo gaaray qarax uu diyaarinayey xalay isagoo dhaawac uu ka soo gaaray gacanta midigta ah.

Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Bari C/raxmaan Cali Xusseen Muslim oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu u sheegay in ciidanka amniga ee Boosaaso ay sii xoojin doonaan howlgalka ay ku baacsanayaan kooxaha lidka ku ah amni darada.

Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Bari C/raxmaan Cali Xusseen Muslim ayaa xusay in ciidanku ay xalay maqleen qarax dhacay ka dibna ay u howl galeen xalay ilaa saaka iyagoo xiray dhamaan Koontroolada magaalada ka dibna waxaa ay ku guulaysteen  in ay qabtaan eedeysanaha dhigayey qarax ee uu dhaawacu soo gaaray ka dibna waxaa ciidanku qabteen kuwii kale ee gacan ku siinayey.

Hoos ka Dhagayso Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Bari C/raxmaan Cali Xusseen Muslim oo la hadlay saxaafadda

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/tn56jm01zd/shirjraa_id.mp3]

Halkaan ka dhagayso Mp3

Dhinac kale wasiir ku xigeenkii hore ee aminga dowladda Puntland Cabdi Jamaal ahna la taliye dhinac amniga oo isagan la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in sababta ay eedeysana yaashaaan ugu soo bandhigeen saxaaafadda ay tahay in ay tusaan kuwa ku howlan falalka lidka ku ah amniga in ay soo geli doonaa gacanta ciidanka Puntland iyo in shacabka Puntland iyo soomaalida kaleba ay arkaan howlaha ay ciidanka Puntland u hayaan bulshadooda.

no images were found

Eedeysanayaasha  loo soo bandhiga saxaafadda ee Bamku ku qarxay ayaa waxaa ay qirteen  in ay ka tirsan yhiin kooxaha amniyaadka ee ururka Al-shabaab, waa markii ugu horaysaya oo ciidanka Puntland ay soo bandhigaan tiro intaas le;eg oo lagu soo qabto iyagoo fal danbiyeed gacanta kula jira.

Goobta lagu soo bandhigay Eedeysanayaashaan ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Bari Cabdiraxmaan Cali Xusseen Muslim , Wasirkii ku xigeenki hore ee amniga Puntland ahna hadda la taliye dhinac amniga ah Cabdijamaal Cismaan Maxamed, Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan iyo duqa degmada Bosaso Xassan Cabdala Xassan.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online