Culimo iyo Ducaad aan Bartay (3) W/Q Sheekh Maxamed Idirs Axmed

April 9, 2014 - Written by Editor

sh_idiris_3“Ilaahay waxaan ugu mahadinayaa nolosha intuu isiiyey, ilaa yaraantii anoo 19 jir ah, markaan bilaabay inaan wadada dheer ee dacwada aan qaado, inuu Eebe iigu deeqay barashada iyo wax ka barashada Culimo iyo Ducaad waaweyn ee casrigan noolaa, qaarkoodna saaxiib noqonay, qaarkoodna wada shaqaynay, qaar Ilaahay oofsaday iyo qaar weli nool, Ilaahay dhamaantood Jannadiisa hannagu kulmiyo, wax badanna aan dhamaantood ka faa’iidey, waxaan is iri Kelmad kastoo la qoraa wey hartaaye, bal facyaalka jooga iyo kuwa soo socda, wax uun uga sheeg, socdaalkaas dacwada dhinac ka mid ah, in wax laga faa’iido ayaa dhici karta, qoraalkana uma eegin xag Da’ iyo Aqoon, ee hadba sidii suura gasha weeye, Ilaahay ha iigu kaalmeeyo, ajarna Ilaahay igama qadiyo, walaalkii akhrista ee ka faa’iidaana ha ii soo duceeyo.”

ABUL XASAN AL NADWI Raximahullah ( 1927-1995)

Culimadaas aan bartay wax badanna ka bartay waxaa ka mid ahaa Caalimka weyn,  Qoraaga Suugaanyahanka ahaa, Sheekh Abul Xassan Cali Xassani Al Nadwi Raximahullaah.. Sheekhu wuxuu kasoo jeedaa qoys diini ah oo taariikh leh oo Hindi ah, wuxuu degganaa Saldhigna u ahayd magaalada Luknow ee gobolka Uttra Pradesh ee Hindiya, halkaasoo aabihiis uu ka mid ahaa raggii asaasay machadka iyo jaamacadda diiniga ah ee (Nadwatul Culamaa) waana meesha uu magaca ka wato (Al Nadwi) wexey la mid tahay (Al Azhari).. Qof kasta oo wax ku barta waxaa gadaal laga raaciyaa magiciisa (Al Nadwi)..

Sheekhu halkaas ayuu yaraantiisa qur’aanka iyo diinta ku bartay, aabihiis wuxuu ka mid ahaa Culimada Hindiga, wuxuuna ka tegey kutub badan oo Urdu iyo Faarisi iyo Carabiba ku qoran, waxaana ugu dheer (Taariikhda Culimadii Hindiya) oo ah silsilad ka kooban 10 kitaab.. Laakiin waxaa aad looga aqoon badan yahay wiilkiisa Abulxassan ee aynu taariikhdiisa wax ka qoreyno..

Sh. Abulxassan waxaan kula kulmay muxaadarooyinkiisa iyo duruustiisa uu ku qaban jirey Makka iyo Jiddah dalka Sucuudiga oo uu si joogta ah u iman jirey.. Wuxuu xubin ka ahaa Culimadii Assaastay Jaamacadda Islaamka ee Madiina, Guddigeeda Culimadaana wuu ka mid ahaa, wuxuu kaloo ka mid ahaa, Raabidada Caalamka Islaamka ee. Makkah, Golaha Fiqhiga Islaamiga ee Makkah, Wuxuu Asaasay Raabidada Suugaanta Islaamigaa, madaxna ka ahaa Ilaa uu ka geeriyoodo..

Qoraalkan marka aan qorayo culimadaan aan wax badan ka bartay, ilaahay ha u naxariistee, dareenkayga Asxaabey hadaan idin la wadaago, waxaan saarnahay diyaaradda kursigeeda u dambeeya, waxaan dacwa ugu socdaa Jaaliyadda San Diego, indhahayga waxaa ka socota ilin aanan celin karin, marka aan soo xusuusto,  Culimadaas Waaweyn ee Qarnigaan, Cilmigooda, edebtooda, aqoontooda, xishoodkooda, hammigooda dacwada iyo diinta iyo Ummadda, suhdigooda iyo adduunka sida ay uga urursanaayeen, sidey diinta iyo dacwada ugu adeegi jireen uguna socon jireen habeen iyo maalin, iyaga oo mid walbaa 80-90 sano gaarey ayaad moodeysaa ruuxdiisa wiil 20 jir ah, fir fircoonida iyo nashaadka, Ilaahay ha u naxariisto dhamaantood..

Horay ayaa Salafku u yiri: Caalimka inta aadan wax ka baran eeg siiradiisa, oo ka qaado Aadaabta cilmiga, Dhaqanka iyo Cibaadada iyo Alla ka cabsiga.. Taas ayaa ugu muhiimsan waxa laysu faray in culimada la hor fariisto, oo xalqadaha jilbaha la dhigto..cilmigu ma aha keliya macluumaad maskaxda laga buuxiyo, laakiin waa Alla ka cabsi iyo Edeb iyo Xishood Ilaahay laga xishoodo, ka dibna Khalqigiisa laga xishoodo.

Sh. Abulxasan waxaa iigu dambeysey aragtidiisa intaanu geeriyoon bila yar ka hor, magaalada Makkah, Allaha Ilaaliyee, wuxuu Muxaadaro noogu qabtay Naadiga Suugaanta ee Makkah, Kuna yaal Xaafadda Al Casiisiya, Waxaa dhinac Fadhiyey Dr Raashid Raajix oo ahaa Madaxa Naadiga isla markaana ahaa Madaxa Jaamacadda Ummul Quraa, Ilaahay khayr ha siiyee, wuxuu ahaa nin Culimada Jecel, oo kuwooda ugu caansan had iyo goor noo soo casuuma..

Sheekhu badanaaba Muxaadaraadkiisa waa qori jirey, ka dibna si akhris ah amase kooban ayuu u jeedin jirey, muddo ka dibna muxaadaraadkaas kitaab ayuu ku ururin jirey.. Wuxuu aad u yiqiin Luqadaha Carabiga, Faarisiga, Urduuga, Ingiriisiga, ka sokow Hindiga.. Wuxuu qoray Kutub badan oo ay Saxwada Islaamku Qarnigaan ka faa’iidaysatey,  Baraarugga Muslimiintana qayb weyn ka qaadatay, wuxuuna safka hore kaga jiraa, Culimada iyo Ducaadda sida xoogga leh uga hortegey Dagaalkii Maskaxda ee reer Galbeedku ku soo qaaday Caalamka Islaamka markii Khilaafada Islaamka la ridey.. Kitaabadiisa waxaa loo turjumey 80 luqadood wax ka badan, waxaana ugu caansan kitaabka malaayiinta laga daabacay ee halku dheggiisu yahay (MAXAA CAALAMKU KU WAAYEY DIB U DHACA MUSLIMIINTA).. (ماذا خسر العالم بانحطاط المسلمين) wuxuuna aad ugu falanqeeyey Islaamka iyo Muslimiinta iyo xadaaradooda iyo Xukunkooda khasaaro Muslimiinta keliya inaaney u ahayn ee Caalamkoo dhan Khasaaro u tahay iney saaxada ka maqnaadaan.. Sidaas darteed ayey daruuri nolosha adduunka u tahay in Islaamka iyo Muslimiintu hogaanka adduunka kusoo noqdaan..Waxaana Kitaabka Hordhac u qoray Sheikh Sayyid Qutub Raximahullaah..

Waxaa ka mid ah Kutubtiisa ugu Caansan kitaabka Hal ku dheggiisu yahay: ( RIDDO AAN ABUUBAKAR LOO HAYN) (ردة ولا أبابكر لها) wuxuuna kaga hadlayey ka noqoshada ku dhaqanka Islaamka, iyo Cilmaaniyadda iyo Ishtiraakiyada iyo Shuuciyadda Caalamka Islaamka berigaas fara kulul ku haysey..

Waxaa ka mid ah kutubtiisa muhiimka ah xusuus qorka uu kaga hadlay booqashooyinkiisii u horreeyey ee uu ku maray dalalka carabta isagoo markaa india ka yimi, meeluhuu marayna ay ka mid ahayd Masar, Suuriya, Lubnaan, Xijaas, Ciraaq iyo meela kale.. Wuxuuna ka qoray xaaladooda iyo culimadii iyo ducaadii uu la kulmay.. Waxaana la yiraahdaa kitaabka: ( مذكرات سائح في البلدان العربية) (Xusuus Qorka Booqashooyinka Dalalka Carabta).

Wuxuu ahaa sheekhu nin bar yar, wuxuu gashan jirey Lebiska Muslimiinta Hindiya, Habeenkaas Muxaadarada noogu dambaysey waxaan wada Soconey oo is ag fadhiney Saaxiibkay Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, oo aanu sheekha aad u wada jeclayn, una akhrin jirney, waxaa fadligiisa ka mid ah inuu na jeclaysiiyey Luqada Carabiga iyo Suugaanteeda, wuxuuna ururshey, kitaab uu cinwaan uga dhigay: ( ( مختارات الأدب العربي ama (waxyaabo laga soo dooray Suugaanta Carabiga) waanan u dardaarmaa had iyo goor ardayda cilmiga, gaar ahaan suugaanta carabiga, wuxuuna ku soo ururshey wax yaaba aad ugu fiican suugaanta afka carabiga, si carrabku ugu xoogsado af carabiga, marka aad u adeegsaneyso dacwada Islaamka, iyo gudbinta cilmiga.. Qofkaan haynna aaladdii ay ka maqantahay..waxaa ka mid ahaa oo aanan illaawin, Khudbadii Xajjaaj Ibnu Yusuf Al Thaqafi reer Ciraaq u jeediyey maalintuu soo galay ee ugu horreysey ee dhiiggu ka da’ayey, laakiin xagga balaaqada khudbadaha ugu caansan ka mid ah, wuxuuna ka mid ahaa dadka carabiga ku khudbeeya kuwa ugu aftahansan.. Sidoo Kale Mid ka mid ah Maqaamaatkii Badiicu zamaan Al Hamdaani..

Sheekhu Raximahullah wuxuu ahaa nin Zaahid ah, wuxuu ahaa Naseex Ummadda u naseexeeyaa, aad ayaana loo qaddarin jirey Naseexadiisa, waxaan xusuustaa inuu Boqorada Sucuudiga u qoray warqad uu ugaga naseexaynayo xukunka Islaamka iyo wadadii Sh. Maxamed Bin Cabdilwahaab inaaney iska bedelin, wuxuuna uga digey wadada cilmaaniyada ee dawladaha carabta qaar mareen, oo khasaara dhaxalsiisay..wuxuu kaloo aad wax uga qori jirey Taariikhdii Culimadii India, gaar ahaan Jihaadkii Imaam Axmed Azzarhandi, oo uu kaga sheekeeyey kitaab la magac baxay: (إذا هبّت ريح الإيمان) (Saxan saxada iimaanka)..

Sheekha oo aad u cimriyey, dhul badanna maray, dalalka Islaamka iyo Europe iyo America iyo Africa, Asia, ilaa iyo ayaamihii u dambeyseyna dacwada ka shaqaynayey, wuxuu ka tegey dhaxal cilmiya oo isugu jira kutub fara badan oo uu qoray, macaahid iyo Jaamacado iyo Maraakis uu wax ka asaasay, Taariikh dheer oo dariiqa dacwada ah, oo uu ka mid noqday Calam ka mid ah Calamada Qarnigaan, wuxuu geeriyoodey 1995 Wuxuuna ka mid ahaa Shakhsiyaadka kooban ee isagoo aan joogin Salaatul Qaa’ib looga tukadey Masjidka Xaramka ee Makka, iyo Madiina, Taasoo aan ilaahay fadligiis xaadiray oo aan wax kaga tukadey, Ilaahay jannaatul Firdaws ha geeyo Sheekh Abul Xassan Al Nadwi, Hana nagu kulmiyo Suuqyadii Jannada, Aamiin..

 W/Q Sheekh Maxamed Idirs Axmed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online