Daacish VS Al-Qaacida W/Q C/Casiis Maxamed

April 23, 2014 - Written by Editor

cadnaanQof kasta oo Muslin ah lana socda xaalada Caalamu Islaami iyo dagaalada ka socda Shaam iyo dhibaatada ay ka geysteen kooxda Khawaarijta ah ee Daacish waxaa si fiican ugu muuqda qalooca iyo Inxiraafka kooxda Daacish oo ay haatan khaati ka joogaan culumadoodii kaga horeysay Gaaleysiinta kuna tarbiyeysay Manhajka ay haatan kooxda Daacish ku taagan tahay.

Walaalkeyga Muslinka ahow hadii aad si fiican ula socoto Mareegaha taageera kooxda Daacish iyo Al-Qaacida gaar ahaan baraha Face Book iyo Twitterka waxaad arki doontaa cajaa,ib iyo amakaaag waxaana u danbeysay Baaq uu soo diray Afhayeenka kooxda Khawaarijta ee Daacish Abu Maxamed Cadnaani waxaana uu cinwaan uga dhigay kalimadiisa (ما كان هذا منهجنا ولن يكون) oo uu ula jeedo in manhajka kooxda Daacish uusan ahayn kan Al-Qaacida ay haatan ku taagan tahay.

Baaqan uu soo saaray Afhayeenka kooxda Daacish Abu Maxamed Al-Cadnaani ayaa waxaa uu daba joogaa baaqyo tiro badan oo ay soo direen madaxda Al-Qaacida iyaga oo markaas aad u daliilayey qaabka kooxda Daacish ay wax u wadaan iyo dilalka iyo dagaalada ka dhexaloosan kooxaha Islaamiyiinta ee halganka adag kula jira dowlada suuriya ee uu madaxa ka yahay Bashaar Asad ee taageerada ka helaya dowlada Iran iyo kooxda Shiicada ee Xisbulaah.

Hogaanka Sare ee Al-Qaacida gaar ahaan gudoomiyaha Al-Qaacida Dr.Ayman Al-Dawaahiri ayaa baaqyo kala duwan u diray kooxaha Islaamiyiinta ee ku dagaalamay gudaha dalka Suuriya waxaana uu markii hore ugu baaqay midnimo iyo in aysan mindiyaha iskula soo jeesan markii labaadna wuxuu ku baaqay in kooxada Daacish ay Ciraaq ku ekaato kooxda Jabahada Nusra ay ka howlgasho dhulka Shaam.Baaqaas waxaa aad uga horyimid kooxda Daacish waxayna soo saaren qormooyin ay ku radinayaan Dr.Ayman oo aan horey u soo marnay. Halkan ka eeg.

Afhayeenka kooxda Daacish ayaa waxaa uu ku bilaabay baaq uu soo diray oo lagu faafiyey Mareegaha internetka  in uu ka warbixiyo qaabkii ay uga howlgali jireen kooxdiisa dalka Ciraaq iyo qaabkii loo asaasay wax uu ku sheegay dowlada Islaamka ee Ciraaq iyo Shaam (Daacish) waxaana uu aad u faaniyey kooxdiisa waxaana hadalkiisa ka dheehan kartaa cajabkii iyo xadgudbkii lagu yaqaanay Xaruuriyiinta.

Intaas ka dib ayaa waxaa uu aad uga sheegtay Abu Maxamed Al-Cadnaani dhibaatada iyo lu,gooyada lagu hayo kooxdiisa wuxuuna sheegay in ay in badan sabreen una malo wanaajiyeen madaxda Al-Qaacida maadaama ay ugu horeeyeen camalka Jihaadiga ah wuxuuna sheegay in haatan aysan ka aamusi karin baaqyada iyo eedeymaha loo soo jeedinayo kooxda Daacish.

Abu Maxamed Al-Cadnaani ayaa dhagaha ka fureystay isaga iyo kooxdiisa dhamaan wixii talooyin ah oo ay culumadii Al-Qacida la fikirka ahaa ee caalamka meelwalba ka joogay ay u soo jeediyeen wuxuuna sheegay in fataawada culumada Al-Qacida lagu xalaaleystay dhiiga kooxda daacish.

sawirDhibaatooyinka ay ka geysteen kooxda Daacish ee dalka Suuriya waa mid ay la wada socdaan dhamaan dhalinta saxwada islaamiga waxaa u danbeysay dilkii Sh Abu Khaalid Al-Suuri iyo dilkii foosha xumaa ee loo geystay Sheekh Abuu Max’med Al-ansaari  iyo xaaskiisa ,Caruurtiisa oo ka tirsanaa Jabhada Al-Nusra wuxuuna amiir ka ahaa gobolka Idlib.

Hoos ka Daawo Qaabkii ay kooxda Daacish u dileen Sheekh Abu Maxamed Al-Ansaari Raximahulaah.

Afhayeenka kooxda Daacish Abu Maxamed Al-Cadnaani ayaa daaqada kala baxay Al-Qaacida wuxuuna sheegay in Al-Qaacida ay ka inxiraaftay manhajkii saxda ahaa waxaana uu yiri
لقد انحرفت قيادة تنظيم القاعدة عن منهج الصواب، نقولها والحزن يعصف بنا، والمرارة تملأ قلوبنا، نقولها بكل أسف، وكم وددنا ألا نقولها، ولكنا أخذنا على عاتقنا أن نقول الحق لا نخشى لومة لائم، لقد بات التغيير والتبديل واضحًا صارخًا؛ إن القاعدة اليوم: لم تعد قاعدة الجهاد؛ فليست بقاعدة الجهاد: مَن يمدحها الأراذل، ويغازلها الطغاة، ويناغيها المنحرفون والضالّون.

Afhayeenka Daacish ayaa eedeynta uu soo jeediyey ah tii ugu cuslayd ka dib markii uu ku tumay hogaankii Al-Qaacida kuwa inxiraafay Jihaadkii lagu yaqiin ,kuwa amaanaya kuwa liita,una carab laalaadinaya dhuqaada iyo kuwa dhunsan waloow uusan cadeyn Al-Cadnaani cida uu ula jeedo.Abu Maxamed Al-Cadnaani ayaa waxaa uu sii waday eedeynta uu u jeedinayay Al-Qaacida waxaana uu yiri .
إن القاعدة اليوم؛ لم تعد قاعدة الجهاد، بل باتت قيادتها معولاً لهدم مشروع الدولة الإسلامية والخلافة القادمة بإذن الله لقد حرفوا المنهج، وأساؤوا الظن، وقبلوا بيعة المنشقين، وشقوا صف المجاهدين، وبدؤوا بحرب دولة للإسلام
.

AFhayeenka kooxda Daacish ayaa waxaa uu sheegay in khilaafka u dhexeeya Daacish iyo Al-Qaacida aysan ahayn kaliya kooxo lala dagaalamo ama qof la dilo balse uu yahay khilaaf dhanka manhajka ah wuxuuna yiri.

إن الخلاف بين الدولة والقاعدة ليس على قتل فلان، أو على بيعة فلان، ليس الخلاف معهم على قتال صحوات أيدوا ما عليه سابقًا في العراق، ولكن القضية قضية دين اعوج، ومنهج انحرف، منهج استبدل بالصدع بملة إبراهيم، وبالكفر بالطاغوت، وبالبراءة من أتباعه وجهادهم: منهجًا يؤمن بالسلمية، ويجري خلف الأكثرية، منهجًا يستحي من ذكر الجهاد والصدع بالتوحيد، ويستبدل بألفاظه الثورة، والشعبية، والانتفاضة، والنضال، والكفاح، والجماهيرية، والدعوية، وأن الرافضة المشركين الأنجاس: فيهم أقوال، وهم موطن دعوة لا قتال!.

Shaki kuma jiro in hogaanka Al-Qaacida gaar ahaan Dr Ayman Dawaahiri uu haatan u muuqday in kooxdiisa kaliya aysan tabar u hayn dagaalka ka dhanka ah Islaamka oo ay wadaan reer galbeedka loona baahan yahay in umada culumadeed waxgaradkeeda iyo shacabkeeda la kasbado lagana ilaaliyo wixii dhibaato u keenaya ama ka horkeenaya Mashruuca islaamiga sida qaraxyada la dhigo meelaha shacabka ku badan yahay ,dagaalada ka dhexsocda kooxaha islaamiyiinta iyo dilaka aan wax badan soo kordhineyn waxaana hadaladaas laga dheehan karaa wareysiyadii ugu danbeeyey ee Dr Ayman uu siiyey Musasada Al-Saxaab iyo Risaaladiisa Tusmooyin Guud oo ku Aadan Camalka Jihaadiga dib baan isku dultaagi doonaa inshalaah wareysiga Sh Dr Ayman uu siiyey Musasada Al-Saxaab Inshalaah.

Hoos ka Dhageyso Kalimadii Afhayeenka Kooxda Daacish Abu Maxamed Al-Cadnaani oo dhameystiran

[audio:https://ia802503.us.archive.org/9/items/MANHAJDAWLA/MANHAJ-DAWLA.mp3]

xigasho Musasat Al-Furqaan

ama halkan Mp3

Dhanka kale Dr.Haani Subaaci iyo Dr.Dhaariq Cabdi xaliim ayaa bayaan ka soo saaray baaqa uu soo saaray Afhayeenka kooxda Daacish Abu Maxamed Al-Cadnaani waxaana ay cinwaan uga dhigeen  بيان براءة ومفاصلة waxaana ay si adag uga jawaabeen baaqa Daacish iyaga oo eedeyn culus u jeediyey Hoos ka dhageyso Bayaanka Dr Haani Subaaci iyo Sh Dr. Daariq cabdi Xaliim

[audio:http://www.almaqreze.net/ar/sounds/Paltalk_Ansar/bayan_braa_by_dr_hani%20and%20dr_tarik.mp3]

Xigasho Mareegta Dr.Haani Subaaci.

Ama Halkan MP3

Ama Halkan ka Akhriso Bayaanka ay soo saareen Dr Haani Subaaci iyo Dr Dhaariq Cabdilxaliim

Dr Haani Subaaci ayaa waxaa uu ka mid yahay wadaada aad ula dhacsanaa Al-Qacida waxaana uu horey u gaaleysiiyey Ururka Islaamiga ee Xamaas ee dalka Falastiin  waxaan sidoo  kale lagu radiyey Dr Haani Subaaci Qormo yar oo lagu faafiyey twitterka waxaana cinwaan looga dhigay (رد عادية السباعي وطارق عبد الحليم ، وما في بيانهما من كذب وجهل وتدليس waxaana qormadaas qoray wadaad magaciisa ku sheegay Axmed Bawaadii Halkan ka Akhri qormada lagu radiyey Bayaanka ay soo saareen Dr Haani Subaaci iyo Dr Dhaariq Cabdil Xaliim .

Wadaado badan oo ayaa ka qeyb qaatay xamalada looga hortagayo inxiraafka iyo gaaleysiinta kooxda Daacish waxaana ay ugu baaqeen hogaanka daacish in ay alle ka baqaan oo joojiyaan gaaleysiinta iyo baneysiga dhiiga muslimiinta waxaana ka mid ah culumadaas .
1-Dr Ayman Dawaahiri
2-Sh.Abu Basiir Al-Dharduus
3.Sh Cabdala Muxeysiin
4-Abu Maxamed Al-Jowlaani (Amiirka Jabhada Al-Nusra
5-Sheekh Sahraan Caluushi Taliyaha Ciidanka Jabha Islaamiya ee suuriya.

Kooxda Daacish ayaa wili ka wada dhibaato iyo hagal daacin Mashruuca Islaamiga ee dalka Suuriya xili ay gaalo iyo Shiico oo dhan ay gumaad ka wadaan dalka Suuriya gaar ahaan shacabk Suniga ah ma jirno maalin aysan Baraamiil xambaarsan Bambaanooyin lagu xasuuqin shacabka Suuriya hadaba Su,aashu waxay tahay xagey ku danbeyn doonaa Mashruuca Daacish iyo Jihaadka ka socda dalka Suuriya?

W/Q C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online