Dawladda Talyaaniga oo agab Ciidan oo kala duwan ugu deeqday DFS

April 2, 2014 - Written by Editor

IMG_6711Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa uga mahadceliyay dawladda iyo shacabka Talyaaniga taageerada ay u fudiyeen ciidanka Qalabka, wuxuuna ku tilmaamay ifafaalaha dib u soo laabashada xiriirkii soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeyey dawladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday garoonka Muqdisho oo aheyd wareejinta qalab ka koobnaa Gaadiid ciidan oo isugu jiray kuwo dagaal iyo kuwa fududeeya howlaha kale ee ciidan, dharka ciidanka Millateri iyo Boliis, iyo agab kale oo xafiiseed, waxaana munaasabadan ka soo qeybgalay safiirka dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Amb. Andrea Mazzello iyo saraakiil sare sare oo ka socotay Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Talyaaniga iyo midowga Yurub oo iyagu dhanka tababarada ka saacida ciidanka.

no images were found

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa oo goobta ka hadlaya ayaa xusay in qalabkan ay dawladda Talyaanigu ugu deeqday ciidanka uu yimid xilli ay jirtay baahi, maadaama ay haatan howlgalo ciidan ka soconayaan gobolada dalka isla markaana ciidanku u baahnaayeen taakuleynta dhanka gaadiidka iyo agab kale ee ciidanku ku howlgalaan.

“Qalabkani waxa uu ka tarjumayaa heshiiskii iskaashiga dhanka ciidanka ee dhex maray dawladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga bishii September sanadkii hore magaalada Rome, waxaana fileynaa in si buuxda uu u dhaqangalo heshiiskaasi oo muhiimad gaar ah u leh horumarinta iyo dib u dhiska ciidankeena qalabka sida” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale ku dheeraaday howlgalada ciidanka dawladda ee gobolada iyo sidii loo gaarsiin lahaa gurmad raashin, caafimaad, biyo iyo adeegyada kale ee bulshada.

Dhanka kale, Safiirka Dawladda Talyaaniga u fadhiya dalka Soomaaliya Amb. Andrea Mazzello ayaa xusay in taageerida dawladda Talyaaniga ee dawladda Federaalka Soomaaliyeed ay ka tahay daacad, ayna doonayaan inay si toos ah ula tacaamulaan dawladda iyo hogaankeeda.

“Waxaan balan qaadeynaa inaan sii laba jibaarno taageeradeena dawladda Federaalka aanu u fidineyno, waana naga daacad garab istaageena” ayuu yiri ugu dambeyntiina Safiirka Dawladda Talyaaniga uga wakiilka ah dalka Soomaaliya Amb. Andrea Mazzello.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online