Da’yarta Soomaalida iyo Ducaada ku hadasha Ingiriiska ( English speakares)
April 25, 2014 - Written by EditorDhalinyarada ama Da’yarta Soomaaliyeed ee ku kortey wadamada reer Galbeedka iyo Woqooyiga Ameerica , ama luqadooda koowaad noqotey Afka Ingiriiska ama is mooda iney wax ku fahmayaan luqadaa oo keliya waxaa heysata ama soo wajahaya dhibaatooyin fara badan oo la xiriirta sidii ay si sax ah ugu fahmi lahaydeen Diintooda , dhaqankooda iyo caadooyinkooda Soomalinimo iyo xalinta mashaakilkooda oo inta badan xiriir la leh habdhaqanka Waalid ee ku qotama dhulkii laga yimid , iyo weliba fariinta (message) ay u baahan yihiin in la gaarsiiyo ama loo cadeeyo , loogana digo wixii dhib ah ee soo gaarikara markey ka leexdaan tubta toosan .
Yuu xil ka saaran yahay in dhalinyarada helaan wax ku toosiya wadada saxda ah ?.Xilkaasi wuxuu saaran yahay Waalidka , Mujtamaca, Masaajidada , iyo Culimada, intaasoo is kaalmeysata oo gacmaha is qabsata waxay keeni kartaa iney wax badbaadi yaan , haddii kaleeto waxaa dhici karta in arinta faraha ka baxdo oo ay gaarto meel aan wax laga qaban qabin .
Doorka Waalidka waxaa ka mid ah iney fahmaan dhibaatada caruur tooda , xalna u raadiyaan, la kaashadaan cid walba oo wax ka geysan karta.Laakiin waxaad moodaa in waalidiin farabadan aysan fahmin sidii ay caruurtooda ula dhaqmi lahaayeen, amaba ayan la soconin xaaladooda dhabta ah,waxaaba dhici karta haddii loo sheego ama lagala hadlo habdhaqanka caruurtooda iney u qaataan in xumaan lala raadinayo.
Doorka Bulshada Soomaalida : waxaad moodaa inuu meeshaba ka maqan yahay , oo Mujtamacu ka soo kabsan la’yahay diiftii ama dhibkii uu reebey dagaalkii sokeeye, oo hamigiisa badan ku bixiyo waxyaabaha Soomaaliya ka socda , isagoo og intuusan waxba ka bedeli Karin inuu dhib ku kordhiya mooyee, wuxuu u egyahay maqane jooga .
Masaajidka : Soomaalidu waxay leedahay Masaajido badan oo mararka qaarkood ka badan baahida Bulshada Soomaalida ah, waxaa ku baxa dhaqaale farabadan oo hadii Caqliga shaqeeyo suuroobi karta in la baajiyo ama meelo kale oo waxtar leh lagu bixin lahaa.Masaajidada waxay hayaan hawl aad u qiimo badan oo haddii ayan joogi lahayn ay sababi kartey in Bulshada soo gaarto dhibaato aad u farabadan.
Haddana waxaa arkeysaa in maamulada ama Gudiyada Masaajidada ay ku guuldareysteen inay xal u helaan ama isku dayaan in barnaamijya dooda kuwa ugu muhiimsan ama yoolka ugu weyn oo ay hiigsanayaan ay ugu horeyso sidii dhalinta da’da yar loo badbaadin lahaa, inkastoo mararka qaarkood ama in badan aad maqasho in aad loo daneynayo arinkooda , hadana arinku wuxuu ku dhamaanayaa hadal iyo oraah keliya .
Dad badan waxay aaminsanyihiin in Gudiyadaa badankooda ay yihiin magac u yaallo Umadda lagu maaweliyo oo inta badan lagu soo sooco heyb ama kooxeysi ay u dheer tahay garasho la’aan waxa Masaajidka laga rabo , amaba ayan u diyaarsaneyn hawshaa laga sugayo , ama qaarkood ogoleynba in cid kaleeto meesha ku soo dhawaato xataa hadii ay arinkaa wax ka tari karto iwm .
Intaasoo dhan iyo kuwa kaleeto oo farabadan oo aan halkan lagu soo koobi karin waxay isugu biyo shubanayaan in guddiyada faraha badan ( guddi Shuura, Dacwa, maamul ,iyo Awowgood trustee) ay badankood ku fashilmeen , kuna guuldareysteen inay da’ yarta Soomaaliyeed u shidaan shumac yar oo ay ku hirtaan !!!.
Doorka Culimada iyo Ducaada : Culimada iyo Ducaada Soomaaliyeed waxay hayaan shaqo aad u qiimo oo ay ku amaanan yihiin , haddii aaney igu ahaan lahayna wax badan ay naga xumaan lahaa , iyaga sababtoodana uu Allaah Subxaanahu wax badan ku badbaadiyey . hadana iyadoo ay sidaa tahay waxay ka gaabiyeen ama gaariwaayeen ama fududeysteen in ay dhab u eegaan waxa ay ka sugayeen dhalinyarada iyo da’yarta.
Halkaan ka Akhriso Maqaalka oo dhamaystiran
Waa ra’yigeyga iyo aragtideyda , waxaanan is leeyahay
waxaan aan sheegey waa wax jira ,hadii aad talo , tusaale ,
dhaliil, diidmo ,aad haysid waan soo dhaweynayaa .
I gala soo xiriir maylowab@gmail.com
Ama Facebook Abdulbasid.
Diyaariye: Abdulbasid Sh.Ibraahim