Deegaanada Puntland oo laga iclaamiyey maalinta birito ah roob doon .
April 27, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Dowladda Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta si rasmi ah u iclaamiya in maalinta birito ah oo isniin ah lagu qaban doono dhamaan deegaanada Puntland Roob doon.
Ismaaciil Maxamed Warsame Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Dowladda Puntland oo wareysi gaar ah siiyey Radio Garoowe ayaa waxaa uu ugu baaqay dhamaan dhacabka Puntland in ay maalinta Isniinta isigu soo baxaan roobdoon si alle loo baryo loona weydiisto raxmadiisa.
Deegaano ka mid ah Puntland ayaa waxaa laga dareemayaa roob la’aan xiligi lagu gudo jiro Gugga waxaana uu wasiirku sheegay in ay culumada iyo dhamaan Masaajida gaarsiiyeen xiliga la qabanayo roob doonka
Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Dowladda Puntland ayaa waxaa uu ka waramay xaalada xabsiyada Puntland wuxuuna sheegay in ay wanaagsan tahay wuxuuna kaloo sheegay in maxaabiistii ka baxsatay xabsiga Boosaaso wili lagu dabo jiro
M_M Deeq
Boosaaso