DFS iyo Tunis oo ka wada hadlay soo celinta xiriirka diblomaasi (Masawiro)

April 30, 2014 - Written by Editor

IMG_4848Tunis:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E.Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta booqasho ku tagay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tunisia, halkaasi oo uu ku soo dhoweeyay Wasiirka Wasaaradaasi H.E. Mongi Hamdi oo kulan gaar ah ay wada yeesheen .

Kulanka labada Wasiir ayaa waxaa looga hadlay dib u soo celinta Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal , is dhaafsiga khibradaha , maalgeshiga iyo qodobo kale oo la xiriira xaaladda dunida carbeed.

H.E. Dr. Abdirahman D. Beileh ayaa bogaadiyay himilada dimoqraadiyadeed ee ka dhaqan-galay wadanka Tunisia, waxa uuna ka sheekeeyay isbadalada iyo horumarada dowladda Federaalka Soomaaliya ay xaqiijisay iyo rajada mustaqbalka dhow uu hiigsanayo dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu ka codsaday dowladda Tunisia inay u soo dirto Caasimadda Muqdisho koox khubaro ah ,ayna si lixaad leh uga qeyb qaadato howlaha dib u dhiska iyo maalgashiga .

Dhankiisa , Wasiirka Arrimaha Dibadda Tunisia H.E. Mongi Hamdi ayaa booqashada Wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku yimaadeen Caasimadda Tunis ku tilmaamay mid taariikhi ah , oo suuragelinaya  in labada dal ay dib u ambaqaadaan xiriirkooda diblomaasiyadeed , isagoo xusay in dowladda Tunisia ay ka  taageereyso Soomaaliya dhinacyo badan .

no images were found

Waxaa xusid mudan in Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Caasimadda Tunis si rasmi  ah loo xiray  dabayaaqadii sanadkii 1990-kii oo qeybo ka mid ah dalka uu ka curtay xilligaasi dagaal sokeeye oo salfaday deganaanshaha iyo nolosha dowladnimada .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online