DFS oo soo dhaweysay Muwaadiniin Soomaali ah oo laga soo tarxiilay magaalada Nairobi

April 17, 2014 - Written by Editor

DSC05367Kismaayo:-Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgeshiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa maanta ku soo dhoweeyay Caasimadda Muqdisho 91 ruux oo muwaadiniin Soomaali ah oo ku noolaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaasoo doorbiday in dalkooda hooyo dib loogu celiyo.

Muwaadiniintani oo ku yimid Muqdisho duulimaadkii labaad oo dad Soomaaliyeed looga soo daabulo dalka Kenya , kuna wehlinayay Safiirka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Kenya ambassador Mohamed Ali Nur ayaa waxaa xusid mudan in  09-kii bishan April  dib loogu soo celiyay dalka dad tiradoodu aheyd 82 ruux .

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu talagashay dadkaasi inay u fududeyso tasiilaadka safarka iyo sahayda ay ku gaari lahaayeen deegaanada ka fog fog caasimadda dalka , si ay ugu biiraan qoysaskooda , iyadoo  si KMG ah loo dejiyo hoteello ku yaala Muqdisho si ay nasiino u helaan .

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgeshiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa muujiyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u diyaar tahay la tacaalidda xaalad waliba oo la soo gudboonaata muwaadinka Soomaaliyeed, isagoo xusay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgeshiga ay kaalin muuqata oo firfircoon ay ku leedahay u adeegidda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa.

Soo dhoweynta dadkani dib loogu soo celiyay maanta Caasimadda Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb qaatay Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada H.E. Said Jama Mohamed Qorshel ,agaasimaha guud hey’adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka General Bashir Mohamed Jama,Taliyaha hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha General Abdullahi Gaafow Mohamud ,maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho , saraakiisha hab maamuuska qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgeshiga iyo mas’uuliyiin kale.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online