Dowro cilmiyeed uu Ustaad Cajab ku qabtay Garoowe oo la soo gabagabeeyey.[Masawiro]
April 12, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa maalimihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka socotay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland kulan cilmiyeed uu soo jeedinayay aqoonyahan ka Soomaaliyeed ee Cabdi Fatax Maxamuud Ducaale (Cajab). Kulamdaan oo loo qabtay bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa waxay socotay mudo dhan todobo cisho waxaana loo qabtay kulankii ugu horeeyay ardayda dugsiyada sare ee kuyaal caasimada kulankaan oo qaatay labo maalin iyadoo kulamadaan ay qayb weyn ka qaadatay Mu,asasadda Al-minhaaj.
Kulamo cilmiyeedkaan ayaa waxaa uu ahaa aqoon iswaydaarsi ka dhacay Jaamacaddah,Sharikaatka isgaarsiinta oo ay uguhorayso shirkada Golis, Oday dhaqameedka ganacsatada , dugsiyada sare ,macaahid shareecada ,waalidiinta , ciidamada qalabka sida.
Kulankii ugu danbeeyey ayaa waxaa uu ka dhacay maalintii sabtiga Masjidka weyn ee Al-huda kulankaan oo ciwaankiisu ahaa (side laala dhaqmikaraa caruurteena una jeclaysiin karnaa wax akhriska ) waxaana ka sooqaybgalay boqolaal dadweyne ah oo iskugu jiray rag iyo dumar waxaana kumanaankale kalasocdeen idaacadda Quraanka ee Al-xikma.
no images were found
Waxaana aqoonyahanku ku soo bandhigay kulankii xalay tusaalooyin iyo tajaarib aad u qiimi badan kuwaas oo dhamaan u badnaa habkii
( nabigeena muxamed caleeyhi salaatu wasalaam) uu u barbaariyay asxaabtiisii .Dhamaan dadkii ka faa’ iidaystay ayaa waxay u mahad celiyeen aqoonyahan Cabdi Fataax Cajab iyo mu,asasada alminhaaj oo iyadu soo qaban qaabisay kulan cilmiyeedkaan isla markaana u taagan danaha umada .
Mu,asasada alminhaaj
Garoowe,Somalia