Dr. Abdirahman D. Beileh oo ka gudoomay Safiirka cusub ee dowladda Burundi Warqadihiisa aqoonsiga danjiranimo.[Masawiro]
April 14, 2014 - Written by EditorMogadishu, April 14, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ka gudoomay koobi ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Joseph Nkurunziza oo ah Safiirka cusub ee dowladda Burundi u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya .
Mudadii kulanka uu socday ayaa waxaa la iskula soo qaaday Xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Burundi , qaabkii lagu xoojin lahaa , laguna horumarin lahaa xiriir dhinacyo badan leh oo ay yeeshaan labada dal . Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa u rajeeyay Danjire Nkurunziza howl qabad wacan .
Dhankiisa ambassador Joseph Nkurunziza ayaa waxa uu carabaabay inuu ka shaqeyn doono xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dal iyo wax waliba oo u adeegaya danaha wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Burundi .
no images were found
Kulankani oo ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Adv. Hersi Haji Olosow oo ah agaasimaha guud hab maamuuska qaranka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia