Golaha Wasiirada ansixiyay gudoomiyaha iyo kuxigeenka Bangiga dhexe ee Somalia

April 24, 2014 - Written by Editor

4Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka joogtada ah ee golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay ansixinta guddoomiyaha bangiga dhexe iyo ku-xigeenkiisa. Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay maamul u samaynta gobolada iyo degmooyinka dalka, iyadoo arrintaasi go’aan laga gaaray.

Kaddib markii uu goluhu dhegeystay soo-jeedinta wasaaradda maaliyadda isla-markaasina uu dood ka yeeshay, ayuu isku raacay ansixinta soo-jeedinta wasaaradda maaliyadda ee ku aaddan in xilka guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya loo magcaabo Bashiir Ciise Cali, halka guddoomiye ku-xigeenna loo magcaabay Maryam Cabdullaahi Yuusuf.

“ Aad ayaan ugu riyaaqsanahay go’aanka goluhu ku meelmariyey guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya.Bangiga dhexe waxa uu astaan u yahay maaraynta dakhliga dowladda iyo daah-furnaantooda.Waxaan filayaa in qorshaha dowladda ee abuuritaanka hay’ado dhaqaale oo shaqaynaya oo la’aamini karo ay wax ka tari doonto dadaalka ay Soomaaliya ku dooneyso in ay ku soo celiso sharafteedii” sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli.

Dhinaca kale, Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka dooday samaynta maamulada goboolada iyo degmooyinka dalka. Golaha ayaa isku raacay in wasaaradda arrimaha guduhu ay u xilsaaran tahay fududaynta samaynta maamulada.

no images were found

“Goluhu waxay aad uga doodeen samaynta maamulada iyagoo garwaaqsaday xaaladaha goobaha la xoreeyey iyo baahida degdegga ah ee loo qabo in maamulo loo sameeyo goobahaasi dhowaan la xoreeyey iyo kuwa kale ee la xorayn doono

“Golaha wasiiradu waxa uu go’aamiyey in wasaaradda arrimaha gudaha ay u xilsaaran tahay sahlidda maamul u samaynta gobolada iyo degmooyinka dalka, iyadoo soo-jeedinta u soo bandhigaysa golaha wasiirada oo markaa go’aan ka qaadanaya” sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli.

—DHAMAAD—

Abdirashid Muse
Press Officer, Office of the PM

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online