Isku soo bax Roob doon ah oo saaka ka dhacday magaalada Laascaanood
April 15, 2014 - Written by EditorLaascaanood:-Waxaa saaka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool looga dareeray Roob doon Ballaadhan sidda bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood lagu ogeysiisay shalay , gabi ahaan waxaa la qada fasaxay Ardeydii Dugsiyadda Hoose iyo Sareba , Malcaamadaha , iyo Goobihii Shaqada dhamaan. Dadka ku nool Magaaalada Laascaanood ayaa ahaa kuwo si wanaagsan iskugu soo baxay, si Alle (SW) la Isugu Dhul dhigo , loo baryo , Loogana soo noqdo wixii danbi iyo xad Gudub ah ee ka dhacay.
Shiikh C/Naasir Xaaji Maxamed Sh.c/naasir (Faraa’id) ayaa Jeediyey Khudbadii Roob Doonta , isaga oo Shiikhu Dadka u sheegey, kuna Wacdiyey In Alle (SW) u Muujiyaan in Dadku Alle uun leeeyihiin , oo Baahidooda Keligii uun siin karo,waxayna roob-doonta ku soo gabagabow dey waano iyo duco uu soo jeediyey Sh Axmed Maxamed Sulaymaan oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliya kuna nool Gobolka Sool.
Ugu Danbeyntii , Roob Doonta ayaa ahayd mid Jawi wanaagsan ku soo dhamaatay, iyagoo dadkuna alle (SW) ka rajeynayaan in uu u dhaafo wixii dunuub ah isla markaana uu siiyo naxariistiisa balaadhan iyo roob khayr qaba, maalmihii la soo dhaafay ayaa magaalada Laascanod ee Xarunta G/sool iyo deegaanada ku hareeraysan waxaa laga dareemayey biyo yaraan, kulayl iyo abaar.
Golaha Ardayda ka baxday
Machadka AL-furqaan Lascanod