Kenya oo Qunsul cusub u soo dirtay magaalada Kismaayo (Masawiro)

April 29, 2014 - Written by Editor

qunsul-kismayo6Kismaayo:-Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in dowlada Kenya ay maanta qunsul cusub u soo magacaawday maamulka KMG ah ee Jubba waxaana wafdiga ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo saraakiil ka tirsan Maamulka Juba.

Madaxweynaha Maamulka Juba Axmed Maxamed  Islaam (Axmed Madoobe ) ayaa kulan kula qaatay qunsul cusub  ee dowlada Kenya ay u soo magacaawday deeganada Maamulka Juba waxaana ay ka wada hadleen xiriirka maamulka Juba iyo dowlada Kenya.

Qunsulka cusub ee dowladda Kenya Hillary kyengo  ayaa saxaafada la hadlay waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu soo gaaro magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Maamulka Juba Axmed Maxamed  Islaam (Axmed Madoobe )ayaa  ugu mahad celiyey dowlada Kenya qunsulka ay u soo direen magaalada Kismaayo iyo ciidamada Kenya ee taageero siiyey cidanka DFS ee ka saaray Al-Shabaab magaalada Kismaayo.

no images were found

Magacaabista Qunsulka cusub ee dowladda Kenya ee deeganada Juba ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili qunsulka DFS u fadhiya dowlada Kenya la xiray taas oo khilaaf ka dhex abuurtay madaxada DFS iyo dowlada Kenya.

Dowladaha dariska la ah Soomaaliya ayaa wakiilo iyo Qunsuliyado u soo magacaawday Maamulka S/land , Puntland iyo Maamulka Juba.

A/Cawale
Halgan.net
Isha Masawirada Dhanaan.com

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online