Madaxweynaha DFS Xasan Sh.Maxamuud oo Muqdisho dib ugu soo Laabtay
April 10, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho waxaana garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho ku soo dhaweeyey Prof. Maxamed Sheekh Cismaan afhayeenka Baarlamaanka DFS.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu socdaal kala duwan ku tagay wadamada Kenya,Burundi,Belgium iyo Rwanda waxaana socdaalkiisa ku weheliyey Wasiirka arrimaha dibadda ee DFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle .
Wasiirka arrimaha dibadda ee DFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo la kula hadlay saxaafada ayaa waxaa uu ka warbixiyey socdaalkii Madaxweynaha uu ku tagay dalalka Kenya, Burundi, Belgium iyo Rwanda wuxuuna sheegay in Madaxweynaha kala hadlay madaxda dalkaas arimaha khuseeya Soomaaliya .
Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka arrimaha dibadda ee DFS ayaa ugu dambeyn u sheegay saxaafada u socdaalka Madaxweynaha DFS uu guul ku soo dhamaaday
A/Cawale
Halgan.net